Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweyne Gaas oo Amar kusoo rogay Bangiyada dhexe ee Dowlada Puntland.

$
0
0

Cabdiwali-Gaas11-300x267Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa amar ku bixiyey inaan wax dhaqaale ah ama kharashaad ah laga soo saari karin bangiyada dhexe ee dowladu ku leedahay magaalooyinka Bosaso iyo Garowe ilaa amar danbe ka dib dikreeto kasoo baxdey Madaxweyne Gaas maalin ka hor .

Qaar ka mid ah shaqaalaha Bangiga Dowlada Puntland ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta Raadreeb.com  in labadii maalmood ee u danbeeyey uusan jirin dhaq dhaqaaq ka socdey bangiga, kuwaas oo hakad lagu galiyey howlahoodii shaqo ka dib amar si toos ah uga soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa wararku sheegayaan inuu amarkan ugu danaynayo sidii looga soo kaban lahaa dhaqaale faro badan oo khasnada dowlada laga saarey mudadii uu safarka ugu maqnaa dalka dibadiisa, kuwaas oo saamayn ku yeeshay bixinta mushahaarka shaqaalaha iyo ciidamada oo aan habo yaraatee helin xuquuqdii ay dowlada Puntland ka heli jireen.

Wuxuuna imaanaya amarka lagu joojiyey in lacago laga soo saaro khasnada Dowlada xilli todobaadkii lasoo dhaafey ay soo baxayeen warar sheegaya in la lunsadey dhaqaale aan si rasmiya cadadkiisa loo xaqiijin, kaas oo sabab u ahaa khilaaf dhex yimaada Madaxweynaha iyo Ku xigeenkisia.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles