Ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhimatay laba qarax oo loo adeegsaday bambaanooyinka gacanta laga tuuro oo galabta ka dhacay suuqa Gikomba ee magaalada Nairobi, sida ay sheegtay warbaahinta Kenya.
Bisha Cas ee Kenya ayaa sheegtay in dad ka badan 70 qof ayaa ku dhaawacmeen qaraxyada oo lala eegtay dukaan iyo gaari kuwa dadweynaha qaada ah.
Taliyaha boliiska ee Nairobi Benson Kibuye ayaa sheegay inay qabteen laba qof oo looga shakisan yahay qaraxyada.
Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay inay ka dambeysay weerarrada, waxayse dowladda Kenya weerarrada iyo amni-darrada dalkeeda ku eedeysaa al-Shabaab.
Qaraxyada ayaa yimid kaddib markii shalay oo Khamiis aheyd ay dowladaha Maraykanka, Australia iyo Ingiriiska ay soo saareen digniin la xiriirta socdaaladda lagu tago dalka Kenya.
Sidoo kale, boqolaal qof oo dalxiisayaal ah oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa shalay loo sheegay in laga daad-gureyn doono magaalada xeebta ah ee Mombasa kaddib markii ay soo baxeyn hanjabaadyo la xiriira weerarro argagixiso.