Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya oo saakay ku wajahan magaalada Jowhar iyo Ammaanka oo la adkeeyay.

$
0
0

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Kay ayaa saakay ku wajahan magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo ciidamo gaar ah oo ka tagay Muqdisho ayaa ka qeyb qaadanaya sugida ammaanka wafdiga uu hogaaminayo Nicholas Kay ee saakay ku sii jeeda Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in xalay qeybo ka mid ah xaafada Hantiwadaag la geliyay bandow, iyadoo wado walba ay taagnaayeen ciidamo sugayay ammaanka.

Garoonka Kubada Cagta ee Jowhar oo noqday meel ay diyaaradaha qumaatiga u kaca ku degaan ayaa waxaa isku hareereeyay Ciidamo fara bada oo xaqiijinaya ammaanka Nicholas Kay.

Booqashada Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa salka ku heysa u kuur gelida xaaladaha bani’aadanimo ee magaalada, halkaasoo horay fatahaado u sameeyay Wabiga Shabelle ay ku barakaceen kumanaan qoysas ah.

index


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles