Dowlada Shiinaha ayaa sheegtay in ay gacan ka geysanayso sidii dalkooda dib loogu celin lahaa qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya.
Ra’iisal wasaaraha Shiinaha Li Keqiang oo kula kulmay magaalada Nairobi madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa waxaa uu sheegay in dowladiisu ay ka go’an tahay in ay gargaarto dalalka Afrika.
“China waxa ay taageeraysaa dadaalada ay dowlada Kenya ee ah sidii ay u xasilin lahayd dalkeeda una ilaalin lahayd xoriyadeeda,horumarinta dhaqaalaha iyo horumarinta nolosha dadkaba,”ayuu yiri Li isagoo ka hadlayay shir jaraa’id kadib kulankii ay yeesheen madaxweynaha Kenya.
“Sidii aan ka sheegay kulankii madaxweyaha, dowlada Shiinaha waxay diyaar u tahay inay siiso gargaar iyadoo si toos ah gacanta ugu gelinayso dowlada Kenya gargaarkaa oo ah sidii dib loogu celin lahaa dalkooda qaxootiga Soomaaliyeed.”
Dowlada Kenya oo hore u sheegytay inay dib ugu celinayso qaxootiga Soomalida ah dalkooda, hase yeeshee waxaa taas ka soo horjeestay ururo badan oo caalami ah.
Sidoo kale madaxweynaha dalka Kenya oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa u mahadceliyay dowlada Shiinaha taageeradeeda gobolka ee dhinaca ammaanka, waxana uu sheegay Uhuru Kenyatta in ciidamada AMISOM ee la geeyay dalka Soomaaliya ay gacan ka geysteen sidii loo xasilin lahaa dalka Soomaaliya. Waxana sidoo kale uu ku tilmaamay ciidamada AMISOM in ay yareeyeen burcad badeedii ka jirtay xeebaha bariga Afrika.
Hogaamiyaha dalka Shiinaha Li ayaa soo gabagabeeyay safar uu ku marayay afar wadan oo ka mid ah wadamada qaarada Afrika.