Hordhac:-
Dowladii kacaanka ahayd ee dalka soomaaliya mudada dheer ka dhisneyd ayaa waxaa ay ahayd mid awoodii iyo ilihii dhaqaalaha dalka oo dhan isugu keentay magaalada Muqdisho. Wax walba waxaa ay noqotay in loo soo doonto caasimada muqdisho, caafimaad, tacliin sare, fursado shaqo, horumar iyo wax walba oo dadku aad ugu baahnaa. Dhamaan hantidii shicibka iyo dhaqaalihii dalka ayaa waxaa uu noqday mid yaaley magaalada muqdisho. Goboladii dalka badankood ayaa noqday kuwo la dayacay oo aan wax maalgelin ah lagu samayn, taasoo keentay in Muqdisho loo soo wada guuro.Haddaba kolkii ay dhacday dowladii kacaanka, dalkiina uu lugaha la galay dagaal sokeeye ayey xaaladu waxaa ay noqotay in qof walbaa gobolkii waalidkiis ama awoowayaashii kasoo jeedeen uu u guuro. Arintaasi sidee ayey isbedel ugu samaysay gobalada Puntland?
Goboladii “lama gaaraanka”
Gobolada Puntland waxaa ay ahaayeen kuwo aad iyo aad loo dayacay wakhtigii kacaanku dalka haystey. Waxaa ay ahaayeen kuwo aan wax maalgelin ah lagu samayn dhinac walba. Waxaa weliba jirtey in si dadban iyo si toos ahba goboladaan loogu sameeyey cunaqabatayn. Taasoo dhalisay in dadkii waxbartay iyo weliba ganacsatadiiba ay u haajiraan magaalada muqdisho. Arinkaas oo keenay in goboladii ay noqdaan kuwo aan wax horumar ah samayn.
Kaabayaasha dhaqaalaha: Kaabayaasha dhaqaalaha sida jidadka iyo garoomada diyaaradaha ayaa ahaa kuwo aan jirin ama aan lahayn wax tayo ah. Dhulkaan Puntland gaar ahaan gobolada bariga ayaa waxaa loogu yeeri jirey “ dhulkii ama goboladii lama gaaraanka” Maadaama ay wakhti dheer gawaarida ku qaadan jirtey in halkaas la gaaro jidadka oo aad u xumaa awgood. Dekada Magaalada Boosaaso oo runtii aad u yar iyo jidka laamiga ah ee dhinaca koonfur ka yimaada ayaa dowladii dhexe ee kacaanku samaysay, cadaadis badan oo kaga yimid goboladaan awgeed. Laamiga dheer ee ka yimaada dhinaca koonfurta ayaa ahaa mid aad u tayo xun oo ay soomaaliya iyo talyaanigu iska kaashadeen. Lacagtii loogu talo galay in wadadaas lagu maalgeliyo in badan oo ka mid ah gacanta dowlada masoo dhaafin. Goboladaan oo ka mid ah kuwa ugu qanisan dalka soomaaliya ayaan dowladii dhexe u samayn wax garoomo diyaaradeed ah. Garoonkii ugu weynaa dalka soomaaliya ee ciidamada cirka ee dalyaanigu isticaali jireen ayaa ku yaal degmada Iskushuban ee gobolka Bari. Garoonkaasi maanta waa dhul iska dooxa ah oo dhiri ka baxday. Halmar ayaa garoonkaas waxaa kusoo wada degi kara diyaarado badan haddii si fiican loo dhiso. Waana garoon aad ugu dhow gacanka cadmeed iyo wadamada khaliijka.
Burburkii ka dib:-
Sida la wada ogsoon yahay kolkii ay dhacday dowladii kacaanka waxaa magaalada muqdisho ka bilaamay dagaal sokeeye oo qabiil ku dhisan. Waxaa halkaas ka dhacay tacadi aad iyo aad u badan oo dhibaato loogu geystey dad aan waxba galabsan oo shacab ah. Taasi waxaa ay keentay in qof walbaa u qaxo gobolkii ay awoowayaashiis kasoo jeedeen. Haddaba deegaanada Puntland waxaa kusoo noqday dad badan oo deganaa gobolada koonfurta soomaaliya balse asalkoodii hore kasoo jeeda geyigaan. Ka dibna waxaa iskaashaday dadkii goboladaas deganaa iyo kuwii ka yimid koonfurta soomaaliya. Waxaa la isla gartay in la isku tashado oo maalgelin dhinac walba ah lagu samaayo goboladaan qaniga ah.
Dadkii deegaanku waxaa ay u kala baxeen kuwo maalgashada dhinaca tacliinta, shirkadaha,dhismaha, isgaarsiinta,caafimaadka iyo ganacsiga. Khibrado kala duwan oo dadku kala yimaadeen ayaa la isku biiriyey si horumar loo gaaro. Magaalooyinka waaweyn ee Puntland sida xarunta ganacsiga Boosaaso, Caasimada Garoowe, qardho iyo gaalkacyo ayaa noqday kuwo ku talaabsaday horumar dhinac walba ah. Tacliintii xamar loo soo aadi jirey sida jaamacadihii ayaa laga yagleelay magaalooyin badan. Ganacsigii iyo isgaarsiinta ayaa gaaray meel sare. Horumar siyaasadeed iyo daoorashooyin madax banaan ayaa lagu talaabsaday. Dhulkii lama gaaraanka loogu yeeri jirey waxaa uu isu bedeley mid leh horumar buuxa iyo saameyn weyn oo siyaasadeed.Waxaa haatan socota in kaabayaasha dhaqaalaha la maalgeliyo, waxaa gacanta lagu hayaa garoonka weyn ee diyaaradaha ( Bender-Qaasim airport) ee magaalada Boosaaso. Waxaa isna gacanta lagu hayaa garoonka diyaaradaha ee caasimada Garoowe. Waxaa socda qorshaha cisbitaalo waaweyn oo laga hirgelinaayo meelo dhowr ah oo deegaanada Puntland ka mid ah.Waxaa la dhisayaa dekado yar yar si culayska looga qaado dekeda weyn ee boosaaso loona abuuro fursado kale oo shaqo iyo ganacsiba. Waxaa maalin walba sii badanaaya dadka imanaaya oo deegaan ka dhiganaaya gobolada Puntland, taasoo keeni doonta in ay kor u kacdo cadadka dadka ku nool goboladaan iyo dhaqaalaha ay soo geliyaan. Gobolada Puntland waxaa ay runtii noqdeen kuwo aad u horay ugu maray intii uu jirey burburkii soomaaliya iyo dagaaladii ku habsaday caasimada soomaaliya iyo guud ahaanba koonfurta soomaaliya. Waxaa muhiim ah in dadka reer Puntland iyo dadka kale ee soomaaliyeed ee doonaaya iney ku noolaadaan Puntland ay maalgelin ku sameeyaan deegaanka si loo gaaro isku filnaansho dhinacyo badan leh. Casharada laga bartay dagaalkii sokeeye ee soomaaliya waxaa weeyaan in tahay qalad weyn in hantida iyo ilaha dhaqaalaha dalka la isugu geeyo hal magaalo. Waxaa muhiim ah in mustaqbalka dhaqaalaha iyo maalgelinta lagu baahiyo gobolada dalka oo dhan si loo helo cadaalad iyo kalsooni baahsan.
C/risaq M Xuseen ( ina xuseen dheere)
Eskilstuna .sweden.