Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Daawo Barnaamij ku Saabsan Koboca Dhaqaale iyo Horumarka Magaalada Bosaaso(Video).

$
0
0

mqdefaultSiyaasiyiinta iyo Ganacsatada Kala Ah Ganansade Xuseen Gacayte,Siyaasi Barkhad Cali Saalax,Duqa Degmada Bosaaso Xasan Cabdalla Xasan iyo Weliba Wasiirka Dekedaha Gaadiidka Badda iyo La dagaalanka Burcadbadeeda Puntland Dr.C/laahi Saalax Jaamac oo Dhamaantood ay Awoowayaashood  wada ahaayeen ragii Magaalada Bosaaso Asaasay ayaa si qoto dheer uga hadlay Koboca Dhaqaale ,Dhisme iyo Horumar Guud ee Magaalada Bosaaso.

Ugu Horeyn Waxa Si qoto dheer uga hadlay Ganacsade Xuseen Gacayte isagoona ka hadlay xiligii Bosaaso la Asaasay.

Sidoo Kale waxa isna si qoto dheer dheer uga kheyraadka kasoo baxa Deegaan ahaan Magaalada Bosaaso Halka Ay Caalamka ka dhacdo.

Sidoo Kale waxa si qoto dheer uga hadlay Isha Dhaqaalaha ee Magaalada Bosaaso oo ah Dekeda Magaalada Bosaaso Wasiirka Dekedaha Badda iyo la Dagaalanka Burcadbadeeda Puntland Dr.C/laahi Jaamac Saalax,isagoona tafaasiil dheer ka bixiyey han ay Dekedu u Shaqayso.

Sidoo Kale waxa isna Madasha ka hadlay Duqa Degmada Bosaaso Xasan Cabdalla Xasan isagoona si faahfaahsan uga hadlay Horumarka Guud ee Magaalada Ka Socda Sida Amniga ,Dhismaha Jidadka iyo Weliba Daryeelista Barakacayaasha ku Sugan Magaalada Bosaaso.

ugu Damayntii Waxa iyana Fikirkooda ka dhiibtey Koboca Magaalada Bosaaso qaar ka mid ah Suxufiyiin iyo Barakacayaal ku Sugan Magaalada Bosaaso.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles