Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ku dhawaaqay in maalinta berri cod loo qaadayo heshiiskii Shirkada FAVORI.

$
0
0

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gaba gabeeyay doodii maalmahan ay ka yeelanayeen heshiiskii Shirkada FAVORI ee dalka Turkiga ee la xiriira maamulka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaasoo ay la gashay Xukuumadii hore.

Dooda Xildhibaanada oo u dhaceysay labada dhinac ayaa waxay mudanayaasha qaarkood muujiyeen in shirkada FAVORI aanay wax sharci u heysan maamulka garoonka, iyagoo codsanayay in la diido heshiiskan, maadaama aanan horay loo soo marsiin baarlamaanka.

Xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyay in heshiiskan dib loogu celiyo xukuumada, oo aan la diidin, waxaana shirkadan ay kol hore soo bandhigtay naqshada uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo qaab casri loo dhisi doono.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa markii ay soo gaba gabowday dooda sheegay in aan maanta cod loo qaadi karin Heshiiska Shirkada FAVORI, maadaama tirada Xildhibaada ee goob jooga aheyd kulanka ay ahaayeen kuwo aad u yar.

Mr Jawaari ayaa sheegay in maalinta berri codka loo qaadi doono heshiiska Shirkada FAVORI, kadib markii muddo badan ay ka doodayeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Heshiiskan ku saabsan maamulidda garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa shirkada FAVORI ee laga leeyahay dalka Turkiga la gashay Xukuumaddii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waxaana Baarlamaanka uu horyaalaa mudo ku siman Todobo Bilood ah waloow maanta uu soo gaaray marxaladii ugu dambeysay oo ah in loo codeeyo.

prof.jawaari

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles