Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Talooyin ku Socda Baarlamaanka dalbay iscasilaadda Madaxweyne Xasan Sheekh.

$
0
0

imageWaxaa Shalay kulan isugu yimid Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya,Kuwaas oo dalbanayey in uu xilka iska casilo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh.Waxa ay Xildhibaanadu sheegeen in uu Xasan Sheekh ku fashilmay hogaaminta dalka iyo in uu fuliyo balanqaadkisii xiligii uu ku jiray doorashada.

Xildhibaanada Shalay shiray waxa ay ku eedeeyeen Madaxweynaha in uu ku fashilmay wax ka qabashada arimaha Amniga,Siyaasadda iyo Maamul u sameynta gobolada dalka,Waxa ayna tusaale u soo qaateen Xildhibaanadaasi arimaha ka taagan Dalka sida dagaalada ka soo cusboonaaday qaar ka mid ah gobolada Dalka,jahawareerka ka jira Maamul Goboleedyada iyo dhibaatada haysata Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba.

Eedaha loo soo jeediyey Madaxweynaha waa eedo culus oo uu ku weyn karo Xilkiisa haddii uusan xal siyaasadeed la gaarin Xildhibaanada dhaliilsan sida uu u hogaamiyo Dalka, Maxaa yeelay waa Isaga qofka loo doortay in uu dhibaatada ka saaro Dalka Islamarkaana la yimaado siyaasad cad oo keeni karta Soomaaliya oo mid ah Islamarkaana nabad ah.

Qodobada lagu eedeeyey Xasan Sheekh iyo dowladdisa, Ayaa waxaa ka mid ah xagga Amniga oo faraha ka baxay,Dhismaha Maamul Goboleedyada, Soo nooleynta Hay’adihii dowladnimo iyo Jahawareer Siyaasadda oo Dalka ka jira, kaas oo shaki galiyey in ay Soomaaliyaba ka jirto dowlad dhexe.Hadaba maxaa ka jira eedaha loo haysto Madaxweynaha? Maxaase ku soo beegay Waqtigan xasaasiga ah ?

Runtii markaan si cadaalad ah u hadalno, Madaxweyne Xasan Sheekh waa uu dadaalay intii karaankiisa ahayd gaar ahaan in uu Caalamka ka dhaadhiciyo in la taageero Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeedba,Waxa uuna Madaxweynaha soo hoyey Sanadkii ugu horeeyey guulo badan oo ay ugu horeyso in la ictiraafo Dowladda, Islamrkaana Safaaradihii Caalamka mar kale dib looga furo Magaalada Muqdisho.

Markaan u soo noqdo eedaha loo haysto Madaxweynaha iyo Dowladdiisa, Runtii wey jiraan dhaliilo badan laakiin ma’ahan dhaliilo keeni kara in Madaxweynaha laga codsado in uu is-casilo tusaale ahaan markaan ka hadlayno su’aasha ah; Maxaa amniga wax looga qaban waayey ?. Waa inaan fiirino cidda lala dagaalamayo iyo awoodda dhaqaale ee Dowladda, Tusaale ahaan waxa ay Dowladdu dagaal kula jirta mid ka mid ah Ururada ugu xoogga badan Islaamiyiinta Caalamka oo waliba Soomaali ah.Soomaalidu ma’ahan dad sahlan oo xoog lagu muquunin  karo gaar ahaan kooxahan Islaamiyiinta ah ,Waxaana tusaale kuugu filan waxa Maanta haysta howlgalka Amisom oo dhinac kasta ka dhameystiran.

Markaan ka hadlo Jahawareerka ka jira dhismaha Maamul Goboleedyada, runtii waa mishkilad ka horeysay Xasan Sheekh iyo doorashadiisa tusaaale ahaan, Jubaland waxa ay bilaabatay Xiligii Sheekh Shariif Puntland iyo Somalilandna waa ay ka sii horeeyeen.Runtii dhibaatadan Maanta taagan waxaa eedeeda iska leh Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo ogolaaday wax kasta oo lagu tijaabiyey Soomaliya.

Eedaha loo jeediyey Madaxweyanaha, Waa isla kuwii loo jeedin jiray Madaxweyniyaashii Isaga ka horeeyey sida Cabdiqaasin,Cabdulaahi Yuusuf iyo Sheekh Shariif waayo dowlad kasta oo la dhiso waxaa ka kor imaanayo caqabado badan oo ay horay u sii dhegeen Dowladaha Dariska,Beesha Caalamka iyo Siyaasiyiin diin laawayaal ah,Kuwaas oo ka shaqeeya isku dirka Beelaha iyo kala dhantaalidda dadaalada dib loogu soo celinayo dowladnimadii iyo Sharaftii luntay.

Runtii niyad jabka iyo jahawareerka haysta Dadweynaha, Waxaa sabab u ah waa kuwa isku sheega Beesha Caalamka oo mar kasta sameeya balanqaadyo been ah,Kuwaas oo iska horkeena Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed tusaale ahaan haddii Beesha Caalamku diyaar u tahay in la dhiso dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh waxa ay dhisi lahaayeen mar hore siday Afqanistaan iyo Ciraaqba u soo dhiseen.Ma Nimanka $ 1000 ku qarash-gareeynaya Askariga Amisom halka kii Wadanka lahaana u la’ $ 200 miyaa dowlad kuu dhisayo ?

Runtii way jiraan dhaliilo uu leeyahay Madaxweynuha, Waxaana ka mid ah dhaliilahaasi Raggii uu u xushay in ay noqdaan Raysul Wasaarayaal, Waayo markaad fiiriso Labadii nin ee uu xushay intii uu Xafiiska yimid Anigoo xushmeynayo Shaqsiyaddooda ma’ahan kuwa ka soo bixi kara howshan adag ee loo igmaday. Dhaliilaha kale ee aan xusi karno waxaa ka mid in uusan Waqti badan gelinin arimaha dib-u-heshiisiinta gaar ahaan la hadalka Xarakada Al-shabab oo runtii muhiim u ah nabad ka dhalata Koonfurta Soomaaliya.

Jileeca iyo aamusnaanta badan ee Madaxweynaha, Waxa ay keentay in ay shuuqdo Dowladda Federaalka, Islamarkaana ay ka orod bataan Maamul Goboleedyada sida Somaliland iyo Puntland,Kuwaas oo ka qeyb galayo Shirar ay ahayd in ay ka qeyb gasho Dowladda Federaalka oo kaliya, tusaale waxaa kuugu filan habdhaqanka Madaxweynaha Puntland,Kaas oo Maalmahan u dhaqmayo sidii nin Maamulo dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.Aqooney xaal qaado, dowladnimoy xaal xaado !!.

Madaxweynuhu waxa uu galay Labo khalad oo waaweyn intii uu Xafiiska hayey ,Kuwaas oo runtii wax weyn u dhimay Sharaftii iyo Kalsoonidii lagu qabay Madaxweynaha ,Waxa ayna kala yihiinLabadaasi khalad:-

1- Heshiiskii Adis Ababa lagula galay Kooxda Axmed Madoobe,Kaas oo ahaa runtii Heshiis cadaalad daro ah Islamarkaana meesha ka saaray dhexdhexaadnimadii Dowladda Federaalka,Waayo waxa ay ahayd in ay Dowladdu heshiisiiso dhinacyadii ku dagaalamay Magaalada Kismaayo Iyadana ay noqoto midda ilaalisa Heshiiska iyo sida loo fulinayo.

2-Ogolaanshihii uu Madaxwynuha ogolaaday in ay ciidamada Itoobiya ka mid noqdaan howl galka Amisom,Taaso oo ahayd talaabo aad u xun oo aan laga fiirsan, Waayo dadka Soomaalidu waxa ay u arkaan ciidamada Itoobiya kuwa cadow ku ah Umadda Soomaaliyeed, islamarkaana sii murjinayo dhibaatadii awalba sii jirtay.

Hadaba maxaa ku soo beegay Waqtigan in Madaxweynaha loogu baaqo in uu iscasilo Iyadoo aysan dhamaan Muddadii loo doortay Xafiiska ? Maxaase ka dhalan kara haddii Madaxweynaha xilka xoog looga qaado ?

Siday Anigu ila tahay, Waa wax la sugaayey in Xasan Sheekh meesha la dhaafiyo mar kasta oo Jaanis la helo, sababtoo ah ma doonayaan dowladaha faraha kula jira arimaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa dariska ah qof mutadayin ama wadani ah waa marka koobaad marka Labaadna ma doonayaan dowladahaasi Shaqsi ku dhow dhow Wadamada Muslimiinta sida Carabta oo kale.

Amma waxa ka dhalan kara haddii Madaxweynaha Xilka xoog looga qaado runtii Ilaahay unbaa garan kara laakin Anigu waxa ay ila tahay in ay kaaritho weyn (Musiibo) ku noqon doonto Dowladda iyo isbadaladii socday.Waxaana filayaa haddi ay taasi dhacdo in ay fursad fiican u noqon doonto Xarakada Al-shabab oo ay heli doonto taageerayaal badan oo reer Muqdisho ah.

Gaba gabadii waxa aan leeyahay xalka Soomaaliya  waa uu ka weyn yahay Madaxweyno la casilo iyo Raysul wasaare la badalo ee Waxaa loo baahan yahay waa dib-u-heshiisiin dhab,Midnimo iyo Wadajir loo wadashaqeeyo.Ugu danbeyn waxaan u soo jeedinayaa Xubnaha Baarlamaanka ee ku howlan iscasilaadda Madaxweynaha talooyinkan soo socda:-
1-In aysan furin albaab fowdeed ay adag tahay in la xiro Islamarkaana keeni kara in ay ku burburto Dowladdan curdunka ah.
2-In ay u ogolaadaan Madaxweynaha in uu Waqtigiisa dhameysto,Islamarkaana ay la shaqeeyaan inta uu Xafiiska fadhiyo.
3-In ay Baarlamaanku la xisaabtamaan Xukuumadda haddii uu gaabis jiro halkii ay ku mashquuli lahaayeen Madaxweynaha.
4-in ay Iyaga is xisaabiyaan waa Baarlamaankee inta aysan xisaabinin cid kale waayo Iyagaaba isugu jira Jawaasiis iyo cumulo u shaqeeya Cadow Soomaaliyeed.
5-In aysan Xubnaha Baarlamaanku ogolaanin in ay ku shaqeystaan Siyaasiyiin xukun doon ah gaar ahaan kooxda Walaalaha Zanawi,Kuwaas oo doonayo in ay Soomaaliya mar kale ku xukumaan Taangiga Tigreega.
W/Q:Abdullahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles