Taliyihii hore ee mulateriga Masar ee la filayo in uu ku guulaysto doorashada laga qaban doono dalkaas ayaa sheegay in ururka Ikhwaanul Muslimiinka uusan sii jiri doonin haddii isaga loo doorto madaxweyne.
Cabdulfataax Al-Sisi, ayaa sheegay in dadka reer Masar ay diideen ururka Ikhwaanul Muslimiinka,isla markaasina uusan u cuntamaynin xukunkoodu.
Musharax Al-Sisi oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri”Masii jiri Doonaan Ikhwaanul Muslimiinka Masar”
Waxaa uu ka hadlayay TV-ga wareysigii ugu horrey ee uu bixiyo tan iyo markii uu si rasmi ah isu soo sharaxay.
Al-Sisi, ayaa hoggaaminayay militeriga dalkaas markii xukunka laga tuurayay Maxamad Mursi bartamihii sanadkii hore.
Hal musharrax oo kaliye, ayaa doorashada kula tartamaya Al-Sisi, waxaana la filayaa inuu guulaysan doono.
Doorashada madaxweyne ayaa dalkaas laga qaban doonaa muddo saddex toddobaad gudahood ah.
Al-Sisi, ayaa wasiirka difaaca u ahaa Maxamed Mursi madaxwaynihii Ikhwaanul Muslimiinka ka hor intii uusan xukunka ka tuurin.