Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Wafdi Ka Socday Qaramada Midoobay oo Kismaayo Soo Gaarey(Sawiro).

$
0
0

Wafdi ay hoggaaminayso Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan taageeridda dhismaha nabadda Judy-Cheng Hopkins ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta mamulka Jubba.

Wafdiga waxaa garoonka magaalada Kismaayo ku soo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba iyo saraaiisha ciidanka AMISOM ee ku sugan halkaas.

Mrs. Judy-Chen Hopkins waxaa socdaalkeeda ku weheliya ku-xigeenka ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Fatiha Serur waxaana loo qaaday dhanka xarunta madaxdooyada ee maamulka.

Wafdiga ayaa waxaa madaxtooyada Kismaayo kusoo dhaweeyay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ”Madoobe” iyo qaar ka mid ah gollihiisa xukumadda.

Wafdiga Qarmada midoobay ayaa kulan dheer la yeeshay madaxweynaha maamulka Jubaland waxaana kulankan diirada lagu saaray amaanka deegaanada Jubaland iyadoo waxyaabihii kulanka lagu soo qaaday la isku afgartay.

Markii uu kulanku soo idlaaday ayaa waxaa si wadajir ah shir saxaafadeed u qabtay Kaaliyaha xighayaha guud ee QM Hopkins iyo madaxweyne kuxigeenka Jubba Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag iyagoo ka warbixiyay waxyaabihii labada dhinac ay ka wada hadleen, waxayna sheegeen inay si aad isugu fahmeen dhamaan waxyaabihii ay kawada hadleen.

Gen.Fartaag ayaa sheegay magalada Kismaayo iyo guud ahaan mamulka Jubba deegaanadda uu ka taliyo inay yihiin kuwo wanagsan balse caalamka looga baahan yahay inay taageero lixaad leh siiyaan mamulka Jubba.

Hopkins ayaa dhankeeda sheegtay inay ku faraxsan tahay imaanshaha magalada Kismaayo waxayna muujisay inay wax ka qaban doonaan baahiyaha ay mamulka Jubba usoo gudbiyeen.

Wafdigaan ayaa shalay waxay la kulmeen Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed waxayna kala hadleen xaaladaha Soomaaliya si gaar ah hirgalinta nabada iyo xoojinta isdhexgalka bulshada.

hopkins1 hopkins2 hopkins3 hopkins4 hopkins7 hopkins9 hoplkins4


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369