Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ku qaabilay aqalka Cad ee Washington Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo kulankan uu ahaa mid horay loo sii qorsheeyay.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha amnig, horumarinta, Ganacsiga iyo Xaalada Soomaaliya.
Intii uu socday kulanka Madaxweyne Obama iyo Madaxweyne Geelle waxaa afaafka hore ee Aqalja Cad ka socday banaan bax ballaaran ay dhigayeen dad Jabuutiyaan ah oo ka soo horjeeday nidaamka Madaxweyne Geelle, iyagoo ku qeyliyay in aanay jirin madax banaani, xoriyad, waxaana ay ku sifeeyeen nidaamkiisa mid keli talis ah.
Madaxweynaha Jabuuti oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Mareynkan ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, isagoo xusay inay dib u cusbooneysiiyeen heshiiska Ciidamada Mareykanka ku joogaan dalka Jabuuti oo ay xero milateri ku leeyihiin.
“Xiriirka labada dowladood ka hadalnay, heshiiska joogitaanka Jabuuti ee Ciidamada Mareykanka ayaa cusbooneysiinay, waxaa ka hadalnay shirka afrika iyo mareykanka ee dhacaya Bisha Agosto, arrimaha gobolkeena ka hadalnay, arrimaha Soomaaliya ka hadalnay, iskaashiga ka hadalnay”ayuu yiri Madaxweyne Geelle.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Obama uu kala hadlay sidii dhalinyarada Jabuuti ay shaqo uga heli lahaayeen xerada ay ku leeyihiin dalka, sidoo kale waxaa uu xusay in Mareykanka ka kaalmeynayo dhinaca Tamarta.
Mar uu ka hadlayay arrimaha Soomaaliya ayuu sheegay inay ka wada hadleen isaga iyo Madaxweyne Obama, waxaana uu xusay inuu ku baaqay in la tayeeyo ciidamada Soomaalida, si amniga loo sugo, isla markaana hadii aan ciidamada la tayeyn aanay suura gal aheyn in Soomaaliya ka dhacdo sanadka 2016 doorasho.
Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah saddex dowladood oo saldhig milateri ku leh dalka Jabuuti, iyadoo saldhigaas Mareykanka u isticmaalo howl galada la dagaalanka Argagixisada Soomaaliya iyo Yemen.