Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

William Ruto”Ciidankeenna kalama soo baxayno Soomaaliya”

$
0
0

Ciidankeenna kalama soo baxayno Soomaaliya, madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto ayaa yiri.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa Nairobi, William Ruto ayaa sheegay inaysan u ogolaan doonin kooxaha argagaxisada rabitaankooda ah inay dowladda Kenya is-beddel ku sameyso siyaasaddeeda gudaha iyo tan dibadda.

Wuxuu sheegay inay ciidanka Kenya sii joogi doonaan dhulka Soomaaliya tan iyo inta Soomaaliya ay ka yeelaneyso dowlad awood leh oo xor ka ah argagaxisada.

Wuxuu intaas raaciyay in muddadii ciidanka Kenya ay joogeen Soomaaliya ay gaareen guulo waa-weyn oo ay ka mid yihiin xasilinta qeybo ka tirsan Soomaaliya iyo wiiqidda awoodda kooxda Al-Shabaab.

William Ruto ayaa sheegay in soo saarista ciidankooda ku sugan Soomaaliya ay fursad u siin doonto kooxda Al-Shabaab inay dib isu soo abaabusho, kaddibna halis midda hadda jirta ka weyn ay ku yeelato Kenya iyo gobolka.

Hadalka madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa imaanaya hal maalin kaddib markii magaalada Nairobi ay ka dhaceen labo qarax oo ay ku dhinteen labo qof, toboneeyo kalena ay ku dhaawacmeen.

Ruto


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles