Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Nigeria:-Kooxda Boko Haram oo Sheegatay Gabdho La Afduubtay.

$
0
0

Kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria ayaa sheegatay afduubka boqolaal gabdhood wax ku baranayay waqooyiga Nigeria, kuwaasoo bishii hore la qafaashay.

Hogaamiyaha Boko Haram Abubakar Shekau ayaa cajalad muuqaal ah oo uu soo diray ku shaaciyay inay afduubteen gabadhaha ardayada ahaa, isagoo cadeeyay inay suuqyada ku iibin doonaan.

Gabdhahan oo tiradooda gaarayay 276 gabdhood ayaa waxaa laga qafaashay 14-kii bishii hore Iskuul ku yaala Borno ee waqooyiga Nigeria, iyadoo gobolkaas ka mid yahay meelaha rabshadaha ay ka dhacaan.

Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan ayaa codsaday in dowladdiisa laga caawiyoo baadigoobka loogu jiro gabdhaha la afduubtay.

Kooxda Boko Haram ayaa xoojisay weerarada ay ka geysato Nigeria, iyadoo weeraro qaraxyo ah bishan iyo bishii hore ka geysatay magaalada Abuja ee Caasimada Nigeria.

BH


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles