Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Puntland oo Beenisey Kulan La Yeeshay in uu Ethopia ku Dhexmaray Puntland iyo Somaliland(Dhegayso).

Dowlada Puntland ayaa maanta Beenisey Hadal Dhowaantan kasoo yeeray Wasiirada Arimaha Dibada iyo Arimaha Gudaha Somaliland,hadalkaas oo ahaa In Kulan Muhiim ay Wada Yeesheen Wafdigii Madaxweynaha Puntland iyo Wasiiradaasi Somaliland ka socday ee ka qeybgalay Shirkii Ethopia ka dhacay.

Wasiirada ayaa sheegay in Kulan Labada Wafdi uu ka dhacay Dalka Ethopia,iyagoona ka hadlay Xaalada Amaan ee ka jira Gobolka Sool.

Halkan Hoose Ka Dhegayso Waraysi laga qaaday Wasiirka Waxbarasha Puntland.

Wasiirka waxbarashada Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame oo ka warbixiyay wafdigii Puntland ee dhawaan gaaray dalka Ethiopia ayaa wax laga xumuudo oo diblimaasiyada ceeb ku ah ku tilmaamay maamulka Hargeysa in ay iska sheegtaan kulan ana jirin ee been abuur ah.

Halkan Akhriso Warbixintii Wasiirada Arimaha Dibada iyo Gudaha ee Somaliland.

Wasiirka ayaa tilmaamay in wasiiro kasocda Somaliland iyo Madaxweynaha Puntland aysan meeqaan ahaan sineyn, sidaas daraadeena aysan dhici Karin in ay kulmaan oo wada hadlaan, taas oo ah cadeynta been abuurka ay wasiirada Somaliland iska sheegteen.

Cali Xaaji “ hadii wadahal dhex marayo labada dhinica wuxuu noqonayaa mid cad oo dad isu qalma ku kulamayaan, wasiiro ama Madaxweynayaal wixii intaas dheerna waa wax lagaran karo in been iyo khiyaami yahay ayuu yiri Mudane Cali Jaaji”.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
yyyyyyyyyyyyyyy98

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles