Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay Xuska Maalinta Shaqaalaha 1-da May(Sawiro).

$
0
0

Munaasabad lagu xusayay maalinta Shaqaalaha Aduunka 1-da May ayaa maanta lagu ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Wasaarada Garsoorka iyo Dastuurka, iyadoo munaasabadan uu ka soo qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Garsoorka iyo dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Munaasabadan ayaa waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyay Wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha iyo Isu taga Ururweynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed, iyadoo lagu soo bandhigay wadooyinka gawaari ku xiray cod-baahiyeyaal oo sii deynaya heesihii Shaqaalaha.

Guduumiyaha Isu Tagga Ururweynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Xaaji oo khudbad ka jeediyay Munaasabada ayaa ka hadlay dhibaatada shaqaalaha heysata, isagoo ku amaanay shaqaalaha Soomaaliyeed daruufaha adag ee ay ku shaqeynayaan iyo sidii ay ugu soo dhabar adeegeen marxaladihii kala duwanaa ee dalka soo maray maadaama ay shaqaalaha Soomaaliyeed kaalin mug leh ku lahaayeen isbedelka hormarineed ee dowladnimada xambaarsan oo ay haatan heystaan shacbiga Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay sidii mar walba loo ilaalin lahaa xuquuqda qofka shaqaalaha ah isla markaana ay ka go’an tahay Isu Tagga in qof walba oo shaqaale Soomaaliyeed ah uu helo xuquuqdiisa waxaana uu ku booriyey guud ahaanba Shaqaalaha Soomaaliyeed inay sii wadaan shaqadooda.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Eng. Luqmaan oo isna ka hadlay munaasabada ayaa sheegaya in qiimaha weyn ee ay ummadda u leedahay shaqada iyo wax soo saarka shaqaalaha, ay tahay mid ay ahmiyad gaar ah siineyso dowladda Soomaaliya.

Eng. Luqmaan ayaa sheegay in munaasabadan maanta la dhigay ay ka turjumeyso dareenka shaqaalaha Soomaaliyeed, waxaana uu soo hadal qaaday heshiiskii Xukuumada iyo Ururka Shaqaalaha Aduunka ILO ku kala saxiixdeen dalka Switzerland, kaasoo uu tilmaamay in dhowaan la horgeynayo Baarlamaanka, si loo dhaqan geliyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabada ayaa hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed, isagoo xusay in shaqaalaha Soomaaliyed ay qeyb ku lahaayeen is bedelka dowladnimo ee xilligan jira.

“Anigoo ku kalsoon kartidiina iyo dhabar adeegii aad soo muujiseen mudadii uu dalku ku jiray marxaladihii adkaa iyo kaalintii lama ilaabaanka ahaa ee aad ku laheydeen isbedelka dowladnimo ee maanta jira waxaan idinku boorinayaa walaalayaal inaad sii wadaan shaqadiina hagar la’aanta ah”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay dadaal ugu jirto sidii ay u abuuri laheydshaqooyin, iyadoo laga faa’ideysanayo xooga shaqaalaha, waxaana uu tilmaamay baahida loo qabo aqoonyahanka iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed, isagoo ku baraarujiyay umada inay sameeyaan aqoon kororsi, ayna bartaan xirfadaha shaqo ee xilligan loo baahan yahay.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Soomaaliyada cusub waxay u baahan tahay xoog iyo xirfad shaqo oo dabooli karta baahida shaqaale ee sii kordhaysa, Waxaana ummadda Soomaaliyeed kula dar-daarmayaa inay kordhiyaan aqoontooda iyo xirfadooda si ay ugu sahlanaato inay helaan shaqooyinka ka abuurmaya dalka gudihiisa”.

Munaasabadan lagu weyneynayo maalinta shaqaalaha aduunka ayaa ah tii u horeysay nooceeda oo lagu qabto magaalada Muqdisho, waxaana maanta fasax ahaa dhamaan shaqaalaha dowladda iyo kuwa caalamka.

shabaq-lokuqal_7

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Latest Images

Trending Articles