Shirkadda Somali Energy Company (SEC) ayaa maanta gaari dab demis ah ku wareejisay maamulka dekadda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Wasiirka dekadaha ee maamulka Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax oo ka hadlay xaflad loo qabtay wareejinta gaariga ayaa u mahadceliyay maamulka shirkadda SEC.
Wuxuu ka codsaday shirkadaha shidaalka geeya Boosaaso in ay ku deeqaan baabuur dab-demis ah.
Duqa magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland Xasan Cabdalla Xasan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ganacsatada ay ka qeyb qaataan horumarinta adeegyada bulshada, isagoo shirkadda SEC ku ammaanay kaalinta ay ka qaadanayso dib u dhiska dalka.
Cali Shanle oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda SEC ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan wax kasta oo horumar u horseedi kara bulshada.