Wasiirka Wasaarada Dekedaha,Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcadbadeeda Puntland Mudane.Cabdullaahi Jaamac Saalax ayaa si qoto dheer waxa uu uga hadlay Qorshe Howladeeda Howleedka Wasaarada Dekedaha,Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcadbadeeda Puntland.
Wasiirka oo Waraysi Siiyey TV-ga ku Hadla Afka Maamulka Puntland ee PuntlandTv iyo Warbaahinta Caalamiga ah ee Raadreeb.com ayaa sheegay inay Waxbadan ka qabann Doonaan Gudaha Dekeda Magaalada Bosaaso,isagoona si aad uga hadlay Amaanka oo ay aad usigi doonaan.
Wasiirka oo Dhanka Amaanka ku Hormaray ayaa sheegay in Dekeda Qof Walba uu soo Gelayo ay u Sameyn Doonaan ID-Card, si loo Adkeeyo Amaanka Guud ee Dekeda Weyn ee Magaalada Bosaaso.
Sidoo Kale waxa uu Wasiirku Sheegay in Doonyaha iyo Qalabka kale ee Dekeda Dhexyaal ay Banaanka u Saari Doonaan si Dekedu Ay Waasac u Noqoto.
Halkan Hoose Ka Daawo Wasiirka oo Amuurtaasi Ka Hadlaya.