Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodaya Joojinta Qaadka ka Yimaada Dalka Kenya.

$
0
0

Baarlamanka Somalia ayaa isu diyaarinaya inuu ka doodo joojinta qaadka ka yimaada dalka Kenya, Kenya waxaa Soomaaliya u dhoofisaa Qaad gaaraya 3 Milyan oo Kilogram sanadkii.

Mooshinkaan ayaa waxaa buuxshey Xildhibaanada Soomaalida ee dagan wadanka Kenya intooda badan kadib markii ay ka caroodeen raafka dadka Somalida ee ka dhacaya magaalooyinka Nairobi iyo kuwa kale, Xildhibaanadaan ayaa diidey iney magacyadooda qoraan iyagoo ka baqaya in talaabo laga qaado.

Xildhibaanada Baarlamanka Somalia ayaa intooda badan dagan wadanka Kenya iyagoo xiliga aqalka mudanayasha fadhiga leeyahay kaliya u duula magaalada Muqdisho.

” Somalia waa in loo ixtraama iney xiriir ganacsi la leedahay dalka Kenya. Dadkeedana waa in la ixtiraamaa iyadana” sidaas waxaa yiri xildhibaan ka gaabsadey magaciisa inuu sheego oo ku sugan wadanka Kenya.

Dadka Somalida ee ka qaxey dagaalada dalkooda aafeeyey ayaa qaxooti ahaan ku jooga wadanka Kenya iyagoo jooga magaalooyinka waaweyn iyo xeryaha qaxootiga.

Kulanka-Baarlamaanka-soomaaliya


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles