Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Danjire Maxamed Cali Ameeriko oo si deg deg ah u yimid Muqdisho, kadib markii dowladda u yeertay.

$
0
0

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa barqanimadii maanta si deg deg ah u yimid magaalada Muqdisho, kadib markii ay u yeertay dowladda Soomaaliya, iyadoo safiirka uu saakay ka soo ambabaxay magaalada Nairobi.

Mr Ameerika ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan cadde Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibada Mahad Maxamed Salaad iyo mas’uuliyiin kale, waxaana safiirka uu aad uga careysnaa tallaabadii Ciidamada Kenya kula dhaqmeen Qunsulkii Safaarada Siyaad Maxamuud Shire.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ugu qabteen isaga iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibada ayaa waxay ku faah faahiyeen arrintii dhacday iyo dib ugu soo laabashada Safiirka ee Muqdisho.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibada Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u yeertay Safiirka, si loogala tashado xarigii Qunsulka u geysteen Ciidamada Kenya, si Xukuumada go’aan uga qaadato.

Mr Ameerika ayaa isna dhankiisa waxaa uu mar kale muujiyay sida uu uga xun yahay tallaabadaas, isagoo xusay in kenya ay ku xadgudubtay sharciga diblomaasiyada, isagoo xusay inuu Muqdisho u yimid in Xukuumada u faah faahiyo xariga ay kula kaceen Ciidamada Kenya Qunsulkii safaarada.

Xukuumada Soomaaliya oo aan wali qaadin wax tallaab ah ayaa ka dalbatay Wasaarada Arrimaha Dibada inay war cad ka keento, hase ahaatee Wasaarada ayaan wali iyana wax qoraal ah ama cabasho ah ka soo saarin.

Xeerka diblomaasiyada caalamka ayaa dhigaya in Safiir ama diblomaasi dal kale matala aan lagu xadgudbi karin, hadii taas dhacdana waxaa mad madow ku yimaada xiriirka diblomaasiyadeed labada dal, waxaana laga sugayay dowladda Soomaaliya ugu yaraan inay hoos u dhigto heerka diblomaasiyadeed ee Kenya, si ay uga jawaabto hab dhaqanada xun ee Kenya kula kacayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Soomaalidii-kenya-laga-soo-celiyay-oo-cali-Ameriko-la-socday-Allsomali24-media-Online


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles