Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Afar Saraakiisha Ammanka ah oo lagu Dilay Yemen.

$
0
0

Saraakiisha reer Yemen ayaa sheegay in afar ka tirsan ciidanka ammaanka ee dalkaas lagu dilay weeraro xiriir ah oo ay labadii maalmood ee u dambeysay qaadeen kooxo mitidiin ah.

3 ka mid ah dilalka ayaa waxa laga geystay magaalada Sanca, kuwaas oo qaadeen rag mootooyin saaran.

Weeraradan ayaa yimid ka dib duqeymo dhinaca hawada ah oo lagu dilay 55 ka mid dagaalyahaniinta AlQaacida oo ku sugnaa koonfurta Yemen. Weeraradaas ayaa la sheegay in ay ku lug lahaayeen dayuuradaha aan duuliyaha lahayn ee Maryakanku.

Ururka AlQacida ee Gacanka Carabta ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano AQAP ayaa qaada weeraro loo geysto goobaha militariga, kuwa dalxiiska, iyo kuwa diblomaasi ee dalka Yemen.

5E9F2094-246D-484C-98BE-F002DD5CD5E7_w268_r1_cx0_cy4_cw0


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles