Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa qabtay saddex qof oo looga shakiyay inay ka dambeeyeen dilkii maanta magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan Cabdicasiis Isaaq Mursal, wasaaradda amniga qaranka ayaa sheegtay.
Wasiir ku xigeenka amniga Ibraahim Isaaq Yaro ayaa saxaafadda u sheegay in dadka la qabtay looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen dilka xildhibaanka, wuxuuna sheegay in lagu sameyn doono baaritaan.
Ibraahim ayaa ballanqaaday inay qaadi doonaan tallaabo kasta oo caddaaladda lagu hor geynayo dambiilayaasha ka dambeeyay dilka.
Rag ku hubeysan bastoolad ayaa xildhibaan Cabdicasiis ku dilay maanta meel u dhow gurigiisa.
Wuxuu noqonayaa xildhibaankii labaad ee lagu dilay Muqdisho 24-kii saac ee ugu dambeeyay. Isniintii shalay ayay ahayd markii xildhibaan kale oo lagu magacaabi jiray Isaaq Maxamed Riino lagu dilay magaalada Muqdisho. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka labada xildhibaan.