Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka digay in shaqaalaha UN-ka iyo kuwa diblomaasiyiinta ajnabiga ay isaga bixi doonaan Soomaaliya hadii ay sii socdaa weerarada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya Caasimada.
Mr Kay ayaa hadalkan jeediyay kadib markii labadii maalmood ee u dambeysay lagu dilay magaalada Muqdisho xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, kaasoo shalay dabley hubeysan ay ku dileen degmada Madiina.
“Waxaa jiri doona tallaabooyin aanu qaadi doono hadii ay sii socdaan qasaaraha ka dhalanaya weerarada Al-Shabaab geystaan”ayuu yiri Nicholas Kay.
Nicholas Kay oo ka hadlayay machadka Nabada ee ku yaal magaalada Washington, isagoo ka dhawaajiyay in shaqaalaha Qaramada Midoobey ay ka feejigan yihiin qalad xaga ammaanka oo yimada, kaas oo ku qasbi kara inay Soomaaliya ka baxaan.
Walaaca laga qabo amniga shaqaalaha Qaramada Midoobey ayaa keentay in ciidamo gaar ah oo si ilaaliya shaqaalaha UN-ka ay todobaadkan soo gaaraan magaalada Muqdisho, kuwaasoo watay koofiyadaha buluuga ee Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey.
Ciidamadan ayaa ilaalo ka heyn doona xarumaha iyo shaqaalaha Qaramada Midoobey, waana ciidan si gaar ah u tababaran oo ka socda dalka Uganda, kuwaasoo aan hoos tageyn howl galka AMISOM ee Midowga Afrika.
Al-Shabaab ayaa weeraray sanadkii hore Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada Muqdisho, iyagoo sii wada weerarada, kooxda ayaa bilihii u dambeeyay lumisay deegaano muhiim ah, markii howl galo wada jir ah ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo deegaano dhowr ah looga qabsaday.