Xildhibaan Horey uga Tirsanaa Baarlamaanka Dowlada Soomaaliya ayaa maanta Garoowe lagu xirey.
Ciidanka ammaanka ee Magaalada Garowe ayaa maanta Xabsiga dhigay Siyaasi Daahir Ciiro oo kasoo mid noqday Xildhibaanadii Baarlamaanka Kumeel Gaarka ahaa ee Dowladii Shiikh Shariif Shiikh Axmed Madaxweynaha ka ahaa.
Sida aanu wararka ku helayno Ex.Xildhibaan Ciiro wuxuu maalmihii ugu danbeeyey dhaliilsanaa siyaasada Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ,isagoona dhowr jeer warbaahinta kusoo bandhigay aragtidiisa.
Xiliga ay ciidanku xirayeen Daahir Ciiro waxa uu ka qayb galayay shir ammaanka looga hadlayay oo xarunta Gobolka ka dhacay,iyadoona ay shirkaasi goob joog ka ahaayeen Maamulka Gobolka,Kan Degmada ,Taliska Ciidanka Booliiska iyo Nabadoonada Gobolka Nugaal.