Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas oo Booqday Deegaanada Garacad Iyo Towfiiq Ee Gobolka Mudug(Sawiro)

$
0
0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa dhowaaahan safaro kala duwan ku marayay deegaanada Gobolka Mudug, ayaa booqasho ku tagay deegaanada Garacad iyo degmada Towfiiq oo ka tirsan Gobolks Mudug.

Madaxweyne Gaas oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dowladda ayaa waxa ay soo dhoweyn diiran kala kulmeen shacabka ku nool deegaanada Garacad iyo Towfiiq, waxayna dadweynuhu ruxayeen caleemo qoyan iyagoo sidoo kale watay sawirka Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Cabdi-weli Gaas.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa la hadlay dhamaan dadweynihii kala duwanaa ee kusoo dhoweeyey Garacad iyo Towfiiq, wuxuuna si isku mid ah ugu sheegay inuu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale tilmaamay inuu si weyn u dareemay intii uu wadada kusii jiray dhibaatooyinka dhinaca nolosha ee ka jira deegaanada fog ee Gobolla Mudug, kuwaas oo ay ugu daran tahay wadooyinka oo aan hagaagsanayn, wuxuuna tilmaamay in Dawladdiisu ay si dhab ah u dabooli doonto baahiyaha jira intii awoodeeda ah, sidoo kalena shacabka Puntland laftooda looga baahan yahay inay ka qayb galaan horumarka deegaanadooda.

Dhinaca kale booqashooyinka uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cadi-weli Max’ed Cali Gaas ku marayo qaybo ka mid ah gobolada Puntland ayaa ah kuwo uu ugu kuudh gelayo xaalada guud ee dalka ka jirta, isla mar’ahaantaana ka mid ah balanqaadyadii uu ubalan qadaay shacabka Puntland in dawladiisu gaadhi doono deegaanada fog fog ee aan madaxdii ka horaysay hore u gaadhin.

IMG_1539 IMG_1541 IMG_1544 IMG_1547 IMG_1548 IMG_1549 IMG_1550 IMG_1557 IMG_1560 IMG_1563 IMG_1565 IMG_1568 IMG_1572 IMG_1574 IMG_1576 IMG_1577 IMG_1578 IMG_1590 IMG_1594 IMG_1595 IMG_1598 IMG_1601 IMG_1602 IMG_1603 IMG_1604 IMG_1606 IMG_1608 IMG_1609 IMG_1611 IMG_1616 IMG_1619 IMG_1623 IMG_1625 IMG_1626 IMG_1628 IMG_1632 IMG_1634 IMG_1637 IMG_1640 IMG_1642 IMG_1643 IMG_1645 IMG_1646 IMG_1649 IMG_1651 IMG_1654 IMG_1658 IMG_1663 IMG_1666 IMG_1672 IMG_1673 IMG_1674 IMG_1675 IMG_1676 IMG_1710 IMG_1720 IMG_1725 IMG_1730 IMG_1732 IMG_1733 IMG_1735 IMG_1777


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles