Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo wafdigii balaarnaa ee uu hogaaminayay oo dhowaanahay booqashooyin ku marayay deegaanada GODOD, CEEL-BERDAALE, BUUBI, JIRIIBAN, GARACAD iyo TOWFIIQ oo dhamaantoodba ka tirsan Gobolka Mudug ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolkaasi.
Madaxweyne Gaas iyo masuuliyiinta la socota oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan goloyaasha dawladda ayaa shegay in safarkoodii uu kusoo dhamaaday
Jawi aad u wanaagsan, isla markaana ay soo ogaadeen xaaladaha dhabta ah ee ay ku sugan yihiin shacabka Puntland ee ku nool deeganadii ay booqdeen.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli iyo masuuliyiinta la socota ayaa isku raacay in ay wax qabad dhab ah u baahan yihiin dadka ku dhaqan
magaalooyinkii ay so mareen oo dhan , isla markaana ay Dawladda Puntland dadaal dheer u galayso horu marinta Puntland.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku sugnaan doona magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaana la filayaa inay dib ugu labtaan Caasimadda Puntland ee Garowe.