Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Isxaaq Maxamed Cali Riinow.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u
naxariistee Xildhibaan Isxaaq Maxamed Cali Riinoow oo maanta ku
geeriyooday qarax loogu xeray gaarigiisa magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI
RAAJICUUN, waxaa saakay ku geeriyooday qarax gaarigiisa loogu xiray
Xildhibaan Isxaaq Maxamed Cali Riinoow oo ka mid ahaa Xildhibaannada
Golaha Shacabka,Alle raxmadiisa jano ha siiyo anagana samir iyo iimaan
hanaga wada siiyo, Xildhibaannada iyo Gudoonka Golaha Shacabka anigoo
magacooda ku hadlaya waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa Carruurta iyo
qoyska uu ka geeriyooday marxuumka”

“Geeridu waa xaq, naf kastana xili ayey leedahay,sababtuna waa halkeeda
haseyeeshee gardaro in la isku dilo ma ahan Xaq,waxaase Xildhibaannada
Golaha Shacabka iyo Gudoonkaba ay ka mideysan yihiin ineysan falalka
argigixisanimo marna na niyad jebineynin oo aysan marna hakin doonin
howlaha aan u heyno shacbiga Soomaaliyeed oo waan sii wadi doonnaa’ayuu
hadalkiisa sii raaciyey Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhinac kale alle uga baryey inuu
caafimaad dhameystiran siiyo Xildhibaan Maxamed Cali Dhuux oo isaguna ku
dhaawacmay falkii argigixisanimo ee maanta.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
prof.jawaari


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles