Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Wiil ku dhuuntay Taayir Diyaaradeed oo Nabad tagay halkii uu usocday.

$
0
0

Wiil ku dhuuntay Taayir Diyaaradeed ayaa  Nabad tagay halkii uu usocday.

Will 16 sano jir ah ayaa nabad tegay kaddib markii uu hoos galay taayirka diyaarad hawada ku jirtay muddo 5 saacadood ah.

Diyaaradda oo ka soo baxday gobolka California ayaa gaartay gobolka kale ee Maraykanka ee Hawaii.

Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradaha ee Hawaii ayaa sheegay in shaqaalaha diyaaradda ay wiilka arkeen kaddib markii ay diyaaradda degtay.

Waxaa su’aalo weydiiyay laanta dambibaarista ee Maraykanka oo baaritaan dhanka caafimaadka ah ku sameeyay.

Takhaatiirta ayaa sheegay in caafimaadka wiilkaas uu wanaagsan yahay.

Si Mucjiso ah ku Badbaaday:-

Wiilka yar ayaa la sheegayaa in cidda uu ka soo cararay, oo uu ka soo booday dayrka gegida diyaaradaha ee San Jose.

Afhayeenka shirkadda diyaaradaha ee Hawaii ayaa sheegay “in muhimadda ugu weyn ay tahay caafimaadka wiilkaas, oo si mucjiso ah ku badbaaday.”

Afhayeen u hadlay laanta dembibaarista ee Maraykanka Tom Simo ayaa sheegay in willka uu “nasiib badan yahay maadamma uu nool yahay”.

Waxaa ka soo badbaaday jawiga aadka u qabow ee hawada sare, iyadoo diyaaraddu 12,000 mitir ay hawada u gashay.

Tan iyo sanadkii 1947-dii 100 ruux ayaa isku dayay inay taayarka diyaaradda hoosta ka galaan, intooda badanna way dhinteen.

140421110045_us_teenager_survives_624x351_bbc_nocredit


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles