Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ciidan iyo Gaadiid Dagaal oo Somaliland Ah ayaa Puntland isu Soo Dhiibey(Sawiro).

$
0
0

Soomaaali_didSaraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Puntland ayaa maata deegaanka Ciil-daahir kusoo dhaweeyay ciidan iyo gaadiid dagaal oo kasoo goostay mamulka Somaliland.

Gaadiidka ayaa ahaa nooca dagaalka, waxayna gaarayaan ilaa labo gaari balse wararka ayaa sheegaya inay kuwo kalena ay jidka kusoo jireen oo ay kasoo socdaan dhanka bariga Gobalka Sanaag.

Ciidanka Puntland isku soo dhiiban ayaa xarumo ku lahaa deegaano hoos yimaada Hadaaf-timi iyo Baran waxayna maalmihii ugu danbeeyay halkaa ka wadaan abaabul xoogan oo ay Somaliland uga baxayaaan.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Puntland,Gudoomiyaha Gobalka Nugaal iyo masuuliyiin kale ayaa duleedka magalada Garowe ciidankan kaga hortagay waxayna halkaa kula haldeen warbaahinta.

Taliye ku xigeenka Cabdirisaaq Muuse Maxamuud (Ajuuke) ayaa sheegay ciidankan Somaliland ka yimi inay go’aankooda iyagu soo qaateen isla markasna maanta wixii ka danbeeya ay ka tirsan yihiin ciidanka Puntland.

Sarkaalka ciidanka hoggaaminayay oo la yiraahdo Maxamed Saalax Tusbaxle ayaa sheegay ciidanku inay gaarayaan 200 oo Askari balse intooda badan ay hadda ku sugan yihiin xarumahoodii Gobalka Sanaag.

Sababta ay Somaliland uga soo goosteen ayuu ku macneeyay oofin la’aan balamo hore uu qaaday mamulka Hargaysa.

Ma ahan markii ugu horaysan oo ay ciidan Somaliland ka tirsan usoo goostaan dhanka Puntland balse waxay kusoo aadaysaa xili xiisaad dagaal uu dhexyeelo Puntland iyo Somaliland oo dhowaan duulaan kusoo qaaday magalada Taleex.

SAM_0087 SAM_0088 SAM_0092 SAM_0093 SAM_0095 SAM_0096 SAM_0097 SAM_0098 SAM_0099 SAM_0102 SAM_0125

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles