Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Diyaarad qaad sidday oo shil ku gashay garoonka diyaaradaha Guriceel.

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in goor dhow garoonka degmada ay shil ku gashay diyaarad sidday qaad oo halkaas ka dagaysay.

Nuur Cali Barre oo ka mid ah ganacsatada qaadka ee degmada Guriceel oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay diyaaraddu sidday qaad loo waday degmooyinka Guriceel, Caabuwaaq, Dhuusamarreeb, Beledweyne iyo degmooyin kale.

Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay shilkaasi diyaaradeed, inkastoo uu dab ka kacay diyaaradda markii ay dhulka soo gaartay sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal la hadlay Bar-kulan.

Waa markii saddexaad oo diyaarad ay shil ku gasho garoonka diyaaradaha ee degmada Guriceel.

diyaarad-shil4


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles