Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Michele Cervone d’Urso ayaa si buuxda u taageeray war-murtiyeedkii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ka soo saaray arrimaha Kismaayo iyo maamulka KMG ah ee Jubba.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed oo muddo toddobaad ah ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa ka shaqeynayay nabadeynta dhinacyo horey isugu qabtay maamulka magaalada iyo hirgelinta heshiiskii Addis Ababa ee dowladda iyo maamulka KMG ah ee Jubba.
Michele Cervone ayaa sheegay inuu taageersan yahay, isla markaana uu soo dhoweynayo sida ay ra’iisul wasaaraha uga go’an tahay fulinta heshiisyadii Addis Ababa iyo Muqdisho.
Wuxuu sidoo kale maamulka Jubba iyo cuqaasha deegaanka ku ammaanay hoggaankooda iyo sida ay u taageereen dedaallada socda.
Ergayga wuxuu sheegay inuu si dhow ula tashan doono dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Qaramada Midoobay, IGAD, Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka, si tallaabooyinka ku habboon looga qaado cid kasta oo carqaladeyneysa nabadeynta Soomaaliya.