Madaxwaynaha dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa aad ah uga xumaaday ka dib markii uu waayay warbaahintii la qorsheeyay habeenimadii xalay inay raacdo safarkiisa bariga Gobalka Mudug.
Wararka aanu ka helayno Gobalka Mudug ayaa sheegaya Madaxwaynaha Puntland markii uu bilaabay khudbadiisa uu u jeedinayay shacabka Bur-saallex oo goobta ka waayay warbaahintii,taasoo markii danbe sababtay inuu khudbada joojiyo isla markasna si deg deg ah magalada Gaalkacyo looga doono suxufiyiinta Mudug.
Gudoomiyaha Gobalka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa amray in warbaahinta Gaalkacyo looga doono si ay uga qayb qaataan socdaalka madaxwaynaha ee Degmada Jariiban maadama uu yahay kii ugu horeeyay ee uu madaxwayne sameeyo sanooyinkii lasoo dhaafay.
Agaasimaha dhanka warfaafinta ee Madaxwaynaha Puntland u qaabilsan ninka la yiraahdo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa mudooyinkii danbe u muuqday mid iska horkeenaya warbaahita iyo madaxda dowladda Puntland,ka dib markii uu isku koobay inuu muuqaal iyo sawiiradda safarka madaxwaynaha uu soo diro,taasoo ay warbaahintu ay sheegeen inay awood u lee yihiin inay gaarkooda wax usoo tabiyeen oo aan xogta madaxtooyadda looga soo dirin.
Lama yaqaan sida uu madaxwaynaha Puntland arrinkaan taagan uu diiradda u saari doono maadama ay jirto kala durugsanaan madaxtooyadda Puntland iyo warbaahinta u dhaxaysa.
Source:-Puntlandtoday.