Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomiyaha safiirka Sacuudiga(Sawiro).

$
0
0

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Sacuudiga ee Soomaaliya, Garam Binu Sayid Binu Garam.

Madaxweynaha ayaa safiirka ku qaabilay aqalka madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, wuxuuna kala hadlay danjiraha sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay taageerada dowladda Sacuudigu ay siiso dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku ammaanay dowladda Sucuudiga in ay magangalyo siisay Soomaali badan, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya,  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle  oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib.

IMG_7488

Garam Binu Sayid Binu Garam, safiirka cusub ee dalka Sacuudiga ee Soomaaliya ayaa madaxweynaha Soomaaliya uga mahad celiyay aqbalaadda safiirnimadiisa, wuxuuna tilmaamay ub dowladda Sacuudiga ay ka go’an tahay inay taageerto dowladda federaalka Soomaaliya.

IMG_7532 IMG_7547


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles