Kornayl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ayaa markii ugu horeysay waxaa uu eedeyn kulul u soo jeediyey ra’iisal wasaaraha dalka Soomaaliya oo uu sheegay inuu la saftey qeyb ka mid.
Kornayl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo mudo dheer oo uu hawada ka maqnaa ka dib dhawaantaan la soo xiriiray idaaacada VOA qeybteeda afka Soomaaliga ayaa waxaa uu eedeyn kulul u soo jeediyey ra’iisal wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed oo ku eedeeyey inuu noqday mid la safan qeyb ka mid ah qeybaha isku hayey maamulka gobolada Jubooyinka, Kornayl Barre Hiiraale ayaa waxaa uu ku eedeeyey ra’iisal wasaaraha dalka Soomaaliya inuu taageeray koox dhibaato iyo xasuuq ku haysa shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo asagoona sidoo kale sheegay inuu ra’iisal wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed uu u soo jeediyey arin aan u cutmi karin taas oo ahayd inay ciidamadiisu ay is dhiibaan asagana la geeyo magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyntiina iyadoo hadalada ka soo yeeray Kornayl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) uu yahay mid meesha ka saareyso hadalo maalmihii ugu dambeeyey la isla dhexmaraayey oo sheegaayey in xil laga gaarey khilaafkii u dhexeeyey Kornayl Barre Hiiraale iyo madaxda maamulka Jubba ayaa waxaa kale oo uu Kornayl Barre Hiiraale uu sheegay inuu sii wadi doono dagaalka uu kula jiro mamulka Jubba oo uu sheegay inuusan marnaba u aqoonsaneyn maamul jira, Kornayl Barre Hiiraale ayaa waxaa uu ka mid ahaa rag dhowr ah oo horey u sheegty inuu yahay madaxweynaha maamulka Jubbaland iyadoona dagaal qaraar ka dib xoog looga saarey magaalada Kismaayo asaga iyo maleeeshiyaadkii taageersanaa taas oo keentay inuu saldhg ka dhigto tuulada Goobweyn oo ilaa iyo 11km u jirta magaalada Kismaayo.