Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay u ambabaxay degmada Jarriiban oo 240 km dhanka bari ka xigta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa socdaalkiisa waxaa ku weheliya xubno ka kala tirsan golaha wasiirrada iyo baarlamaanka ee maamulkiisa.
Afhayeen u hadlay madaxtooyada maamulka Puntland ayaa sheegay in safarka Gaas uu la xiriiro u kuurgelidda xaaladda degmada Jarriiban iyo nolosha bulshada.
Cabdiweli Gaas oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Gaalkacyo ayaa ku jira socdaal dhanka dhulka ah oo uu ku marayo degmooyinka iyo deegaannada hoos taga maamulkiisa Puntland.