Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyey in la joojiyo Qab-qabashada Soomaalida Islii.

$
0
0

13604C13-BCEC-47F3-88D9-EBFB70ADFB22_w268_r1Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya Uhurru Kenyatta iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ay Nairobi ku yeeshee ku heshiiyay in la joojiyo qab-qabashada ay booliska Kenya ka wadaan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Cali Maxamed America ayaa VOA u sheegay in labada mas’uul ay isku afgarteen in dadkii lagu qab-qabtay howlgalladii Islii ay safaaraddu baaridoonta, lana sii deyn doono wixii sharci haysta, halka kuwii aan sharci haysanna lagu wareejin doono dowladda Soomaaliya.

Booliska Kenya ayaa magaalada Nairobi, gaar ahaa Eastliegh waxay ka wadaan baarityaanno lagu bartilmaameedsanayo Soomaalida halkaasi dagan, waxaana maalmihii u danbeeyay la qab-qabtay dad badan oo boqollaal gaaraya.

Booliska ayaa howgalladan bilaabay kadib markii toddobaadkii hore ay qaraxyo ka dhaceen xaafadda Islii.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369