Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland oo ka hadlay Maxaabiis baxsatay.

$
0
0

Taliyaha ciidanka Asluubta Puntland Gen.Cali Nuur Cumar oo shir jaraa’id maanta  ku qabtay magalada Garowe ayaa faah faahiyay sababta keentay in raggaasi ay jeelka ka baxsadaan.

”Raggan waxaa laga saaray meel hore ay ku jiri jireen oo biyo soo daysay,waxana la galiyay meel aan la furin,waxayna ilaashadeen meel daloosha oo god lagu ilaaway ah,waxay ogaadeen inay haystaan waqti fiican oo ciidankii shaqo ay ku jiraan oo waliba kusoo aaday xilida qadada”.

Cali Nuur ayaa sheegay ragga baxsaday ee la raadinayo inay kala yihiin Maxamed Cali Siciid & Khadar Axmed Yuusuf wuxuna warbaahinta usoo bandhigay sawiradooda.

Ragga marka hore isku dayay inay baxsadaan ayaa dhamaa 15-balse ciidanka ayaa ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan 13 oo labo ka mid ay ay dhaawac lugaha kasoo gaartay xiligii ay darbiga jeelka ka boodayeen.

Maxaabiista xiran ee burcad badeedka ku eedaysan ayaa gaaraya 45-dibada lagu soo maxkamadeeyay.

Ciidanka ayaa baadi-goobaya ragga Jeelka ka baxsaday waana markii ugu horayysay oo ay arrintaan ka dhacdo Puntland.

Ugu danbayntii Taliyaha ciidanka Asluubta ayaa sheegay in dib loogu noqonaya meeshii ay raggaan ka baxsadeen.

cali-nuur

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles