Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

6100 askari oo ka qeybgashay baaritaan lagu sameeyay deegaanka Islii ee magaalada Nairobi.

$
0
0

Ciidamo faro badan oo isugu jira boolis,Milatari iyo Nabadsugid ayaa ka qeybqaadatay baaritaano lagu sameeyay deegaanka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii magaalada Nairobi.

Howlgalkan oo loo bixiyay Usalama Watch ayay ciidamadu ku soo qabteen dad tiradoodu gaareyso shan boqol oo ruux kuwaas oo la sheegay inaysan haysan dikumintiyo rasmi ah.

Howlgalkan oo uu horkacayo ku xigeenka taliyaha booliska dalka Kenya Moses Ombati ayaa ahaa mid guri guri loo galayay dhammaanba deegaanka Eastleight ha noqoto guri la degen yahay ama goob ganacsi.Ciidamadan ayaa waxaa sidoo kale ay baaritaan ku samaynayaan in halkaa lagu qariyay waxyaalaha qarxa iyadoo la aaminsan yahay in qaraxyada ka dhaca magaalada Nairobi laga soo abaabulo halkaas.


Ciidamo badan ayaa la dhigay xarumaha ugu muhiimsan ee ay ku yaalaan ganacsiga sanadihii la soo dhaafay ku kobcayay dalka Kenya sida Kilimanjaro Hotel, Eastleigh Mall, Madina Mall Royal Plaza, Alfafa Lodge, Nomad Palace, Banadir Lodge,Grand Royal Hotel, Land Star Hotel/ lodge, Sherrif Guest House, Dubai Lodge, Al Hamdu Lodge, Barwaqa Hotel, Amir Lodge,Moonlight Lodge, Ainul Qamar Hotel, Hidig Hotel, Katrina Hotel, Ushirika estate, Mash Hotel opposite Garissa Lodge Solar, Iftin Lodge, Juja Road Section 2 (Old Sewerage) iyo Majengo Highrise.

“Howlgalkan heerka qaran ah wuu sii socon doonaa illaa Kenya ka noqoto meel ammaan ah,” said Mr Kimaiyo,” ayuu yiri taliyaha Booliska dalka Kenya David Kimaiyo. Dadka lagu qabqabtay howgalkan ayaa la shegay in lagu hayo garoon lagu ciyaaro ciyaarta kubbada cagta.

Howlgalkan ayaa ku soo beegmay xilli madaxweynayaasha labada dal Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Kenya Uhuru Kenyatta uu kulan ugaga socday magaalada Nairobi.

Kulankaa ayaa labada madaxweyne waxa ay ku heshiiyeen in dadka la soo qabto ee aan sharci haysan loo gacan geliyo dowlada Soomaaliya.

10250276_741832972514160_1815893745_n 10250328_741833009180823_1587977266_n

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles