Maxkamad kutaala Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa shalay oo Khamiis ah waxaa la horkeenay Wadaad can ka ah Magaaladaasi oo la sheegay in uu si weyn u taageero Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Gudaha Soomaaliya .
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Ciidamada Amaanka Dalka Kenya ayaa habeeno kahor waxa ay gurigiisa kala baxeen Shiikh Xassan Xuseen Adam(Abuu Salmaan) , waxaana wadaadkan lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa Falal amaan daro oo dhawaan ka dhacay Magaalada Nairobi.
Shiikh Xassan Xuseen Adam iyo Xaaskiisa Fardowsa Maxamed Cabdi, ayaa shalay kasoo muuqday Maxkamad kutaala Magaalada Nairobi , waxaama lagu eedeeyay kulug lahaanshaha falal argagaxiso oo ka dhacay Magaalada Nairobi.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Dacwad oogaha maxkamada la horgeeyay Sheekh Xasaan iyo Xaaskiisa ayaa Maxkamada ka hor sheegay in Booliska ay ku heleen wadaadka labo bam oo nooca gacanta laga tuuro isla markaana uu halis ku yahay amaanka Kenya.
Qareen u doodayay Sheekh Xasaan Xuseen ayaa beeniyaydhamaan eedeemaha loo soo jeediyay wadaadka ee la xariira in uu ku howlanaa Falal argagaxiso oo lidi ku ah Amaanka Dalka Kenya.
Maxkmada la horgeeyay Sheekh Xasaan ayaa diiday in qaab damiin ah wadaad lagu sii daayo , waxa uuna sheegay Qareenka Maxkmada in dacwada wali socoto, iyadoona loo balamay in dib loo furo dhageesiga dacwada ilaa 25-ka Bisha Lixaad ee June.
Sheekh Xasaan Xuseen Abuu Salmaan ayaa kamid ah Wadaadada taageersan Al-Shabaab , waxa uuna inta badan soo saaraa fadwooyin lagu taageerayo Al-Shabaab laguna weerarayo Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha taageera.