Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Labo qarax oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Xerada Qaxootiga Dhadhaab ee Dalka Kenya.

$
0
0

Labo Qarax oo Nooca Miinada dhulka lagu aaso ah ayaa lagu soo waramayaa in xalay ka dhaceen afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha Xerada Qaxootiga Dhadhaab ee Dalka Kenya.

Garoonka Diyaaradaha ee Qaraxyadu ka dhaceen ayaa ku yaala afaafka hore ee Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab halkaas ay kunool yihiin kumanaan qaxooti Soomaali ah oo ka cararay dagaaladii sukeeye ee dalka ka dhacay.

Lama soo sheegin ilaa hada wax qasaaro ah oo ka dhashay labada Qarax ee ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Dhadhaab, waxaana lasoo sheegayaa in qaraxyada ay kala horeeyeen waqtiyo yar ayna ka dhaceen goob aan xiligaasi cidna joogin.

Garoonka Xalay Qaraxyada ka dhaceen ayaa ah garoon yar oo loogu tala galay in ay kusoo dagaan Diyaardaha yar yra ee wada raashinka gar gaarka ee loogu tala galay in lagu caawiyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool Xerada Dhadhaab.

Tan iyo markii Ciidamada Kenya ay soo galeen gudaha Soomaaliya ,waxaa xeryaha qaxootiga ee kuyaala Gobolka Waqooyi bari Dalka Kenya marar kala duwan ka dhacay Qaraxyo iyo Dilal qorsheesan oo loo geesanayay Ciidamada Kenya iyo dad kale oo rayid ah.

images


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Latest Images

Trending Articles