Maxaan ka baran karnaa xasuuqii Rwanda ka dhacay?.
20 sano ayaa ka soo wareegtay markii dadka wadanka Rwannda ay muddo 4
bolood ka yar iska xasuuqeen dad ku dhow hal malyuun oo ruux, iyagoo u
kala qaybsamay qawmiyadaha Hutu iyo Tutsi. Maanta, xaaladdu 20 sano ka
hor waa ka duwan tahay waxana dadkaasi oo ka heshiiyey xasuuqaasi ay u
midoobeen in ay qarankooda dhistaan dibna aanay u soo celin falkaasi
gurracan. Haddaba maxaan ka baran karnaa xasuuqaasi gaar ahaan dhinaca
dib-u-heshiinta dadka ?
Anigu waxaan qabaa in cashar fara badan aan ka baran karno sida loo
duugo nacayb iyo cuqdadka ka dhexeysa dad marka loo maro nidaam
caddaaladeed oo dadka u xaqsooraya, lana xalliiyo xididada ay
dhibaatadu ka imanayso.
Dadka Soomaaliyeed waxaa soo maray dagaal dhexdooda ah, waxana ay isu
dagaaleen qabiilo , iyadoo ay dheceen tacadiyo ba’an oo ka dhan ah
xuquuqda aadanaha. Waxaa la laayey dad fara badan waxaana la kala
qabsaday hanti iyo dhul.
Suuragal ma aha in iyadoo aan laga garaabin dhibaatadii dhacday, laga
heshiin tacadiyadii dhacay , hantida la kala haysto la isu celin, lana
samayn nidaam dowladeed oo caddaalad iyo matalaad siyaasadeed oo xaq
ah ku salaysna , ay hirgasho dowlad Soomaaliyeed oo la isku raacsan
yahay.
Dhibaatada Soomaalidu waa ay ka adagtahay, kan weyna ka fac weyn tahay
tan wadanka Rwanda, waxana ay soo socotay tan iyo taliskii Siyaad
Barre iyo xilliyo ka horreeyey lakiin duruuftu kala duwanayd. Dad
Soomaaliyeed ayaa lagu xadgudbay iyadoo la wato shaar dowladeed oo
qabiil huwan. Dad Soomaaliyeed ayaa dhulkoodii, hantidoodii,
sharaftoodii iyo dhiigoodii la banaysatay, iyadoo qaar kalena la
adoonsaday.
Dadka u haysta in shir maalin iyo habeen lagu qabto oo
dib-u-heshiisiin ah ay dhibaatada Soomaaliyeed ku dhammaanayso, waxa
ay ku nool yihiin khiyaali, runtiina dhab kama aha xalinta dhibaatada
Soomaalida haysata oo soo jiitamaysay 30 sano wax ka badan.
Markii ay burburtay dowladdii militariga ee Siyaad Barre, dadkii
dowladdaasi ka horjeeday ee riday qola walba fursad ayey heleen,
tusaale ahaan kuwii gooni-goosadka ku taamayey waxa ay ku dhawaaqeen
maamul si hal dhinac ah u sheegtay in uu ka madax-banaanyahay dalka
intiisa kale, halka, qoladii kalena ay gacanta ku wada dhigtay wixii
Soomaali ay wada lahayd, islamarkaasina wada qaateen hantidii ummada,
tii caamka ahayd iyo dhulkii , iyagoo xitaa madiidiyey ummaad
Soomaaliyeed oo ay ahayd in ay si sharaf leh ku noolaadaan.
Dhibaatada Soomaalidu waxa ay ka soo bilaabanaysaa nidaamka
siyaasadeed oo ahaa mid qabiil lagu barxay, waxana dadka markaa
dowladda haystay ay ku tagrifaleen awoodda, waxana dadkii kale ay u
arkeen nidaamka dowladeed mid iyaga lagu bahdilayo oo aan caddaalad ku
salaysnayn.
Waxaan arkay dad Soomaaliyeed oo weligood ku doodayey waxaa na
xasuuqay nidaamkii Siyaad Barre oo iyaguna shaar dowladeed ku laynaya
dad Soomaaliyeed oo ka horjeeda aragtidooda siyaasadeed. Haddii aad
rumaysan tahay in adiga lagugu tacidiyey ma aha in aad dhibaatadii
lagugu sameeyey ku celiso dad aan waxba galabsan, keliya doonaya
midnimada.
Ayaan dhoweyd ayaan waxaan akhrinayey qoraal ka hadlaya dad soo
faagaya qabuuro wadareedyo ku yaalla meel ku dhow magaalada Hargeysa,
waxana dadkii ka qaybgalay ka mid ahaa dad caddaan Maraykan ah oo ka
socday urur ku-xeeldheer baaritaanka waxyaalihii hore, waxan ay
baaritaan ku samaynayeen lafihii dad hore oo dhintay dhamaadkii
sideetamaadkii, si daliilaha laga helo baaritaankan loogu xoojiyo
dacwadda loo haysto General Cali Samantar.
Markii aan akhrinayey qoraalkan oo lagu qoray wakaaladda AP ayaa waxaa
ishaydu qabatay arrin aan la yaabay oo ahayd waxaa dagaaladii
dhexmaray taliskii Siyaad Barre iyo jabhaddii SNM ku dhintay 50 oo
ruux oo rayid ahaa oo loola jeedya qabiilka Isaaq. Marka laga tago
askarta labada dhinac ka kala dhimatay, waxaan qiyaasayaa in tiradaasi
la buunbuuniyey waayo khasaaraha dhimashada waxa uu ka tarjumayaa
tirada dadka iyo hubka la adeegsanayo. Marka laga hadlayo dalka
Suuriya dad ahaan wuu ku laba jibaarmaa Soomaaliya, waxana dagaalka
goob kasta ee dalkaasi ka mid ah mudada 3-da sano ka badan ka socda ee
hubka ugu culus loo adeegsanayo sida kiimiko iyo duqayn dhul, cir iyo
bad ah leh waxaa ku dhintay wax xoogaa ka yara badan boqol kun oo
ruux. Waxaan filayaa in qof kasta oo labadaasi isu qiimeeya aanay wax
isu dhow ahayn.
Waxaan qirayaa in dad Soomaliyeed lagu laayey waqooyiga Soomaaliya
dadkaasi oo isugu jira ciidan dowladeed, jabhad iyo shacab cid walba
oo Soomaali ah ka koobnaa oo halkaasi ku sugnaa ha ugu badnaadeen
Isaaq iyo Soomaalida gobolka Ogadenia oo dhulkaasi ku soo qaxay. Waxaa
intaasi dheer, markii xukunkii Siyaad Barre dhacay waxa jabhaddii SNM
ay aargoosi kula dhaqaaqday dadkii Soomaliyeed ee aan hubaysnayn ee
loo aanaynayey in ay taageersanaayeen nidaamkii Siyaad Barre. Waxaa
Jabhadhaasi oo ka faa’iideysanaysa hubkii iyo tababaridii ay heshay ay
galeen magaalooyin ku yaalla waqooyiga Soomaaliya ee ay degan yihiin
beelaha Dhulbahante, Warsangeli iyo Samaroon, waxana ay halkaasi ka
geysteen tacadiyo baahsan oo ka dhan ah aadanaha.
Haddii aan la qirin wixii dhacay iyo cidii geysatay islamarkaasina si
caddaalad ah looga heshiin ilama aha in la heli karo wax la isku
raacsan yahay iyo nidaam dowladeed oo dadku ay raalli ka wada yihiin,
qof kastana xuquuqdiisa sugaya.
Xasuuqa Rwanda waxa uu cashar u yahay qaran kasta oo dhexdiisa uu ka
dhaco dagaal sokeeye, waxa micnaha buuran samaynaya waa in dhibaata
kasta oo dhacda inta ay doonto ha leekaato’e maalin uun laga heshiin
karo oo dib loo yagleeli karo qaran fursad isku mid ah siinaya
muwaadiniintiisa, loona siman yahay caddaaladda.
Dib-u-heshiisiinta Rwanda hal maalin kuma iman ee waxaa loo maray
hannaan, waxaa loo saaray guddiyo iyo dad hawshaasi qaabilsan, tusaale
ahaan waxaa la sameeyey guddiga is-cafinta iyo runta. Dib-uheshiinta
waxaa laga soo bilaabay bulshada iyadoo lagu heshiiyey xukunka iyo
talada dalka.
Maanta, Dadka Soomaaliyeed siyaasadda iyo xukunka dalkana kuma
heshiin, bulshada dhexdeedana dib-u-heshiin iyo wax isu celini kama
dhicin.
Wadanka Rwanda waxaan ka baran karno ee casharka muhiimka ah waa ”
waxa inaka dhexeeya ayaa 100% ka muhiimsan oo ka qaalisan waxa aynu
isku hayno oo wax badan inakaga lumayaan”. Waxa aynu isku
khilaafsanahay ee aynu ku kala tagsanahay ee aynu ku luminay
dowladnimadeena waxa uu inooku kacayaa qiimo badan iyadoo xitaa uu
jiritaankeennu uu khatar gelayo, mana jirto cid si gaar ah u
faa’iideysa.
Xasuuqa Rwanda waxa uu ina tusayaa sida wax kasta oo dhaca looga
heshiin karo xitaa haddii ay malaayiin qof ku dhimato. Qiil ma leh
kuwa ku doodaya anaga 50,000 baa nalaka dilay iyo diyaarado ayaa
nalaku duqeeyey waayo taa waxaa geystay keligii-taliye la mid ah
Bashaar Assad iyo nidaamkii Khmer Rouge ee dalka Cambodia, mana ahayn
wax ay Soomaalidu heshiis ku wada ahayd.
Ma jirto cid qiil ka dhigan karta Muqdisho ayaa nalaku xasuuqay oo
hantidayadii lagu dhacay, ma jirto cid oran karta lagama hadli karo
meeqaamka iyo meesha ay caasimadda Soomaaliya noqoneyso maadaama
Muqdisho lagu kala tegay, mana jirto cid hor-istaagi karta
dib-u-heshiinta, is-cafinta iyo dib-u-yagleelidda dowladnimada
Soomaaliyeed.
Ugu damayntii waxaan kula talin lahaa dadka Soomaaliyeed in ay
is-cafiyaan, taasina waxa ay u baahan tahay waqti, maal iyo shaqo adag
oo ay tahay in dad Soomaaliyeed qabtaan ama wadanka gudihiisa lagu
sameeyo.
Illaah ha mideeyo dadka Soomaaliyeed
Illaah ha Karaameeyo Soomaaliya iyo dadkeeda
Illaah nabad ha innaku nimcaysto.
Cabdirashiid Muuse Siciid
Qoraa Soomaaliyeed oo madax-bannaan
abrashidmuse@gmail.com.