Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ugu baaqay dhiggiisa dalka Ruushka Valadimir Putin inuu xal diblumaasiyadeed uu ku raadiyo dhibaatada dalka Ukraine.
Labada Madaxweyne oo khadka Telefoonka ku wada hadlay qiyaastii Hal Saac iyo Dheeraad ayaa ka wada hadlay Xalinta Dhibaatada ka taagan dalka Ukraine.
Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in aanay haboonayn in dhibaatada Ukraine ay raad ku yeelato xiriirka labada dal.
Gobolka Crimea ee Dalka Ukraine:-
Ciidammada Ruushka ayaa si buuxda ula wareegay gobolka Crimea ee Ukraine kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii Ruushka u janjeeray ee Viktor Yanukovych.
Warbixin ka soo baxday aqalka cad ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Obama uu u sheegay Putin in tallaabooyinka uu dalkiisa ka qaaday Ukraine ay yihiin kuwa wax u dhimaaya madaxbanaanida Ukraine.

Obama ayaa sheegay in sida kaliye ee arrinta lagu xalin karo ay tahay inay wadahadlaan Ruushka iyo dowladda KMG ee Ukraine.
Ruushka iyo mas’uuliyiinta gobolka afka Ruushka looga hadlo ee Crimea ayaa labaduba sheegay in aanay aqoonsanayn dowladda KMG ee Kiev.

Midowga Yurub ayaa sheegay inuu joojiyay wadahadal ay la laahaayeen Ruushka oo ku saabsanaa sidii loo fududeyn lahaa safarka dadka Ruushka ay ku imaanayaan dalalkooda.
Waxay sheegeen in tallaabooyin dheeri ah ay qaadi doonaan haddi Ruushku dib uga noqon waayo tallaabooyinka uu ka qaaday Ukraine.
Maraykanka iyo Yurub ayaa ku gacaseyray go’aanka baarlamaanka Crimea ee ay ku sheegeen inay ku biireen dalka Ruushka.