Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca oo soo Dhoweeyey khafiifinta cunnaqabateynta hubka.

$
0
0

Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay go’aankii uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku kordhiyay muddada khafiifinta cunnaqabataynta hubka ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha saddexda gole ee Ahlu Sunna, Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu qaraarka u suuragelinayo dowladda Soomaaliya inay la timaado hub ku filan, si ay u hanato awoodda dalka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dowladda looga baahan yahay inay ka taxaddarto mas’uuliyadda isticmaalka hubkaas.

Wuxuu xusay in maamulkoodu uu kaalin ka qaadanayo howlgallada dalka looga sifaynayo Al-Shabaab.

ahlusuna1


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles