Gollaha xukumadda Puntland ayaa maanta u fariistay sidii looga shiri lahaa waxqabadka sanadka hore & qaabka loo wajahayo.
Shirka waxaa kasoo qayb galay madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdilaahi Camey wuxuna ka socdaa hoolka shirarka Jaamacadda Puntland State Universtiy ee magalada Garowe.
Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in looga baahan yahay oofinta balanqaadkii umadda Puntland loo muujiyay xiligii lagu gudo jiray doorashada madaxtinimada wuxuna tilmaamay in xooga lagu saari doono shirka soo bandhigista qorshaha waxqabad.
Wasiiradda ayaa shirka kasoo jeedinaya khudbado la xariira waxyaabaha ay xooga saari doonaan sanadka hore iyo sida loo wajahayo taasoo ay ku tilmaameen inay qayb ka tahay muujinta karti iyo shaqo hufan.
Dr.Gaas ayaa balan qaaday inuu la imaan doono is-badal ballaaran oo ay dadku u baahan yihiin lana qaban doono shirwayne ballaaran oo looga arrinsanayo xaalada Gobalka Sool.
Maalinta barito ah ayaa lagu wadaa in qodobo la isku raacsan yahay shirka laga soo saaro kaasoo saldhig u noqon doono waxqabad Puntland ka aflaxa.