Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Rugta Ganacsiga Puntland oo ku Gacan Seyrtay Amar ka Yimi Wasiirka Ganacsiga Puntland.

$
0
0

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland Maxamuud Xasan Soocade ayaa maalintii Isniinta ee lasoo dhaafay ku dhawaaqay in la qaban doono dhowaan doorashada Maamulka sare ee Rugta ganacsiga Puntland.

Arrintaasi waxaa ka hor yimi oo ku tilmaamay mid ganacsatadda Puntland kala qaybisay gudoomiyaha rugta ganacsiga Siciid Xuseen Ciid oo sheegay wasiirka ganacsiga inuusan awood u lahayn inuu go’aansho mudada la qabanayo doorashada gudoonka sare ee Rugta.

Ciid oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay xaq u lee yihiin in madaxda rugta ganacsiga ay ka fariistaan xiliga ugu haboon ee doorashada la qabanayo balse go’aanka Soocade uu yahay mid aan waafaqsanayn howlaha kala duwan ee ay Rugtu hayso.

”Go’aankaas wasiirka kalamtashan rugta Ganacsiga waa mid u gaar ah,Rugta ganacsiga waqtiga doorashada waxaa ka tashanaya golayaasha iyo mamulka sare iyagoo la kaashanaya kuna war galinaya hay’addaha shaqada ka la dhaxayso oo ay wasaaradu ka mid tahay”.

Siciid Xuseen oo sii hadlaya ayaa sheegay go’aanka wasiir Soocade inuu khalkhal iyo kala qaybsanaan ka dhex abuuray ganacsatada Puntland oo uu ku sheegay markii hore inay ku shaqayn jireen daruufo adag oo ku wareegsan.

”Waxan u aragnaa nasiib darro go’aanka wasiirka ganacsiga,waqtiga xasaasiga ah ee dowladda iyo Ganacsatada ay ka wada shaqaynayeen sidii hormarin loogu samayn lahaa Ganacsiga”.

Wasiirka Ganacsiga ayaa sheegay mamuulka hadda jooga xafiiska Rugta Ganacsiga inuu waqtigoodii dhamaaday bartamaha sanadkii hore uuna xaq u lee yahay inuu iclaansho waqtiga doorashada la qabanayo oo uu ku sheegay bartamaha bisha soo socota ee Afaraad.

Lama yaqaan halka uu ku biyo shuban doono buuqaan soo kala dhexgalay wasiirka ganacsiga iyo madaxda Rugta ganacsiga kaasoo salka ku haya mudada la qabanayo doorashada rugta ganacsiga Puntland.

10


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles