Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Golaha Amaanka oo isku raacay in Mudo kordhin Loo Sameeyo xayiraad ka qaadista Hubka Soomaaliya.

$
0
0

Golaha Amaanka QM ayaa xalay oo Arbaco ahayd isku raacay in mudo kordhin loo sameeyo xayiraad ka qaadista cunaqabateynta hubka ee sanadkii hore laga qaaday Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Iyadoo ay jirtay walaac iyo eedeyn loo jeedinayey in hubka ay soo iibsatay dawlada Soomaaliya inuu u gacangalo kooxda Al Shabaab iyo maleeshiyaad ayaa dhinaca kale Golaha Amaanka waxay yeesheen dood dheer iyadoo dawlada Ingiriiska ay ahayd mida u ololeyneysay in fasaxa loo sii dheereeyo dawlada Soomaaliya.

Danjiraha dawlada UK e jooga xarunta QM Mark Lyall Grant ayaa sheegay in dawladiisu ay ahayd mida damaanad qaaday una ololeysay in aan xayiraada lagu soo celin dawlada Soomaaliya, isla markaana ay ku guuleysteen in xayiraad ka qaadista dawlada federaalka Soomaaliya loo dheereeyo.

“Waxaa jirta nidaam adag iyo shuruudo loo sameeyay in lagula socdo dawlada Soomaaliya hubkeeda ay soo iibsato.” ayuu yiri danjiraha UK.

Shuruudaha loo soo jeediyey dawlada Soomaaliya waxaa ka mid ah in ay Golaha Amaanka QM soo weydiisato fasax iyo ogeysiin ka hor inta aysan hubka soo iibsan. Waxaa sidoo kale dawlada madaxweyne Xasan Sheekh laga doonayaa inay si joogto ah uga soo warbixiyaan tirada hubka, noocyada hubka iyo halka uu maray iyo waxa loo adeegsaday.

Golaha Amaanka QM waxay kaloo sheegeen in fasaxan uu socon doono illaa bisha Sebtembar ee sanadkan 2014 markaasoo goluhu markale ka fariisan doono dib u eegista fasaxan la siiyey dawlada Soomaaliya, si haddii ay jiraan khaladaad tallaabo looga qaado haddiise ay dawladu ku dhaqanto jidka loo jeexay loo sii kordhin doono mudada.

Kulankan Golaha Amaanka QM waxaa xalay warbixin dheer ka jeediyey wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo difaacay dawlada Soomaaliya, isla markaana ka jawaabay warbixintii dhowaan ay soo saareen kooxda UN Monitoring Group taasoo dawlada Soomaaliya ku eedeysay inay hubkeeda u gacan gelisay kooxda Al Shabaab.

Wasiir Beyle ayaa ku tilmaamay guul cusub in golaha amaanka uu markale siiyo fasax dawladiisa, isagoo sheegay in haddii aaney dawlada Muqdisho dhisin ciidankeeda aysan awoodi doonin inaysii wado dagaalka ay kula jirto Al Shabaab.

1212


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles