Wafdi uu hoggaaminayo safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Magalada Muqdisho Cemalettin Kani Torun ayaa maanta soo gaaray magalada Garowe.
Mr.Kani Torun iyo wafdiga la socda waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxwaynaha Puntland ku xigeenkiisa,afhayeenka baarlamaanka iyo masuuliyiin iyadoona ammaanka magalada si wayn loo adkeeyay.
Wafdiga ayaa booqday isbitaalka guud ee magalada Garowe halkaasoo ay war bixin ka dhagaysteen mamulka Isbitaalka sidoo kale waxay booqdeen Jaamacada PSU iyo dugsiyadda farsamada gacanta oo ay dhagax dhigeen.
Dowladda Turkiga ayaa horay u balan qaaday inay mashaariic hormarineed Puntland ka fulinayso ayna xafiis arrimahaasi ka shaqeeya lagu furi doono magalada Garowe.
Magalada Muqdisho oo kaliya ayay Turkigu ka wadaan hadda barnaamijyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhismaha laamiyo iyo hormarinta caafimaadka.
Waa socdaalkii labaad uu safiirku ku yimaado magalada Garowe kulanka madaxtooyadda ka socda wararka danbe kala socda.