Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa habeennimadii Talaadada sheegay in xukuumaddiisu ay ku soo aaday xilli ammaanka dalka uusan wanaagsaneyn, balse wuxuu sheegay inay ka go’an tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira dalka.
Dowladda Kenya ayuu ugu mahadceliyay soo dhoweynta ay u fidisay qaxootiga Soomaalida.
Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu habeenkii Talaadada magaalada Nairobi kula yeeshay qaar ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Kenya.
Waxaa kulanka ku wehliyay wasiirradiisa arrimaha dibadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, warfaafinta Mustaf Shiikh Cali Dhuxulow, maaliyadda Xuseen Cabdi iyo gaadiidka cirka iyo dhulka Saciid Jaamac.
Raysul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay maanta oo Arbaco ah la kulmaan madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto, ka hor inta aysan u ambabixin dalka Uganda.