Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Madaxweynihii Hore ee Puntland oo Nayrobi u Dhoofay(Sawiro).

$
0
0

Madaxwaynihii hore ee Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa goor dhowayd ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe.

Waxaana sii sagootiyay qaar ka mid ah wasiiraddii hore ee xukumadiisa,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo taliyaasha ciidamada kala duwan ee Puntland.

Inta uusan Dr.Farole diyaarada fuulin ayuu warbaahinta la hadlay wuxuna sheegay socdaalkiisa inuu ku wajahan yahay magalada Nayroobi ayna muhiim tahay ka wada shaqaynta nabadgalyada iyo jiritaanka Puntland.

Waxa lagu wadaa madaxwaynihii hore ee Puntland inuu kulamo kasoo sameyo dalalka dariska la ah Soomaaliya.

Beesha caalamka & dadwaynaha Soomaaliyeed ayaa madaxwaynihii hore ee Puntland usoo jeediyay boggaadin iyo inuu muujiyay karti ka dib markuu xilka si taariikhi ah uu ugu wareejiyay madaxwaynaha cusub ee Puntland.

1_56 2_50 3_44 4_46 5_47 8_34 9_26 10_26 11_27


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Latest Images

Trending Articles