Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Gudoomiye Tarsan oo wax aan la qaadan karin ku tilmaamay hadalo ka soo yeeray Hey’adaha Amniga.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ayaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay hadalo ka soo yeeray Hey’adaha ammaanka dowladda, kaasoo ahaa madaafiicdii habeenadii u dambeeyay ka dhacayay magaalada Muqdisho inay ahaayeen kuwo dheemish ah.

Tarsan ayaa ku dhaliilay Gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo Taliyaasha saldhiga in aanay wada shaqeyn ka dhaxeyn, taasoo uu xusay inay qeyb ka tahay amni darada.

“Waa dhageysanayay waxaa la isku hayay baaruud bey aheyd, dheemish aheyd ayaa la lahaa, wax aan la aqbali karin waaye, qof baaruud riday, bambo waa ridi karaa, dad buu argagax geliyay waa argagixiso waa in la soo qabtaa kuwa falalkaas ka dambeeya”ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.

Mr Tarsan ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad ku tala galay inay amniga qal qal geliyaan, waxaana uu xusay in aan lagu mashquulin in wixii dhacay la yiraahdo Hoobiyeyaal ayay ahaayeen iyo ma aheyn.

“Hoobiyeyaal ahaayeen iyo hoobiyeyaal ma aheyn, dad wax ma yeelin iyo waxaas yaan lagu mashquulin, hadii ay dhacaan i amniga dadka inuu qal qal galo waa in la soo qabtaa kuwii ka dambeeyay”ayuu si kulul u yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir

Taliska Booliska ayaa dhowr habeen ka hor ku tilmaamay in madaafiicdii dhacayay inay ahaayeen dheemish oo aan geysan wax qasaare ah, hase ahaatee waxaa jiray madaafiic si toos ah ugu dhacay xaafadaha qaar ee degmooyinka oo geystay qasaarooyin.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowrkii todobaad ee u dambeeyay ka dhacayay qaraxyo, dilal iyo madaafiic la soo tuurayay, waxaana taas ay keentay cabsi iyo qal qal soo wajahay dadka reer Muqdisho.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
tarsan1


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369