Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Afhayeenka Madaxweynaha “Madaxweynaha xaaladiisa waa wanaagsan tahay, wax dhib ah ma qabo”

$
0
0

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa war qoraal ah uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay in xaalada Madaxweynaha Soomaaliya ay wanaagsan tahay, kadib markii suuqa la soo geliyay ,kuwaas oo ahaa in Madaxweynuhu uu Geeriyooday.

Eng. Yariisow ayaa sheegay in Madaxweynaha aanu waxba qabin, isla markaana uu Turkiga ku sugan yahay, waxaana uu beeniyay wararka la isla dhex marayo oo ku aadan in xaalad caafimaad daro ay soo wajahday oo uu markii dame uu u Geeriyooday.

“Xaalada caafimaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya waa wanaagsan tahay, wax wal wal ah kama qabno, Madaxweynuhu wuxuu ku sugan yahay Turkiga, waqti dhow ayuu dalka ku soo laabanayaa”ayuu yiri Eng. Yariisow

Warar ay heshay Raadreeb.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha maanta u bilaaban dooto safaro dalxiis uu ku tagayo magaalooyinka Ankara, Antalya iyo Konya ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in maalinimada Jimcaha uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

eng-yariisow


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles